25.6 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Gaalkacyo oo jawi kale gashay kadib isgacan qaadkii Gaas iyo Guuleed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xaalad jawi kale ah ayaa laga dareemayaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo muddooyinkaan ku dagaalamayeen maamulada Puntland iyo Galmudug.

Xaalada magaalada ayaa degen, waxaana dadka deegaanka ay dhowrayaan kuna farxeen hishiiskii madaxda maamuladaasi ku gaareen magaalada Dubia ee isku taga imaaraatka carabta.

Waxaa saaka magaalada laga dareemayaa jawi degen iyo dhaqdhaqaaq aan badneyn oo dadka qaar ay sameynayaan, waxayna dadka rajeynayaan in dib loo furo goobaha waxbarashada magaalada.

Hishiiska Dubai ayaa dhigaya in dib loosoo celiyo dhamaan dadkii ka barakacay magaalada Gaalkacyo ee gaaraya kumanaanka ruux.

Waxaa dadka deegaanka ay saaka hadal hayaan hishiiska labada maamul ay kala saxiixdeen iyo qorshaha la doonayo in masuuliyiinta labada maamul ku tagaan magaalada Kismaayo.

Dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo oo ku saleystaan dhismaha maxjar ku yaala galbeedka magaalada ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News