Ciidamada Raaskambooni oo ku kacay fal arxan daro ah kadib markii ay….

Muqdisho (Caasimada Online)-Ilo-wareedyo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidamada Raaskambooni ee daacada u ah Axmed Madoobe ay ku kaceen fal arxan daro ah.

Ilo-wareedka ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidamadu ay dumarka xoogsatada ah ka iibiyaan kuwa Kenya ee ka howlgala Dekada Kismaayo.

Mid kamid ah shaqaalaha Dekada ayaa isna noo sheegay inuu arkay Ciidamo ka tirsan Raaskambooni oo u kala turjumaayo kuwa Kenya iyo dumarka xoogsatada ah, iyagoona uu Ujeedkoodii ahaa in dumarkaasi jirkooda ka iibiyaan kuwa Kenya.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ”Walaal anigu waxa aan ka howlgalaa Dekada dhowr jeer waxa ay isheydu qabatay, Ciidamo ka tirsan kuwa Axmed Madoobe oo Dumar Soomaali ku xareynaaya qol markii aan arrintaasi u kuurgalay waxan Ogaaday inay ahaayen dumar lagu cadaadinaayay inay qaatan lacago yar islamarkaana Ogolaadan wixii laga dalbo”

Waxa uu intaa raaciyay ”Aniga ayaa arkay dumar iyagoo xanuunsan oo aan dhaqaaqi karin halkaasi laga soo saaray, waa arrin nasiib daro ah, waayo waxan ka argagaxay in Ciidamada loo dhaariyay inay dalka iyo dadka u shaqeeyaan oo ficilkaasi sameynaaya”

Arrintaani foosha xun, ayaa waxa ay bar-bar soctaa warbixin ay dhawaan soo saartay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadamiga Human Rights Watch oo soo bandhigtay 21 Haween Soomaaliyeed oo ay kufsadeen ciidanka AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com