Dhageyso hadalladii ay madaxda DF & Puntland isku dhaafsadeen Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed oo booqanaya magaalada Garoowe, ayaa halkaas xalay loogu sameeyey xaflad soo dhoweyn ah.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Puntland ay waxyaabo badan ka tabanayso Dowlada Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu rajo ka muujiyay in lasoo afmeero.

“’Madmadowgii soo kala dhexgalay Puntland iyo Federaalka waa laga wada hadlayaa, waxaana wada og nahay in Puntland ay waxyaabo badan ka tirsanayso Federaalka, in laso afjaro ayaan rajaynayaa si loogu gudbo Marxlada xigta” Ayuu yiri Gaas.

Gaas ayaa sheegay in Puntland aysan diidanayn in Maamul loo dhiso Gobolada Dhexe, balse ay kaso horjeedo in lagu xadgudbo wax uu ugu yeeray taako ka mid ah dhulkeeda.

Wuxuu intaas ku daray “Puntland waxay u taagan tahay Midnimada umada Soomaaliyeed, Puntland waxgaara inay ku hesho ma doonayn raadinta Qaranimo, balse waajib Caama weeye in laga shaqeeyo danta guud,sida Ra’iisul Wasaaruhu sheegay Puntland waxaa ka go’an in la helo Dowladnimo Soomaaliyeed oo Federaal ku dhisan’’.

“Waxaan rajaynayaa in Federaalka ay soo Xisaabtameen, waxaan u malaynayaa inay iska Sahlanaan doonto waxa laga wada hadlayo, dabadeedna annaga oo faraxsan aan u gudubno Soomaalinimada iyo hawsha na sugaysa” Ayuu yiri Gaas.

Waxaa sidoo kale isna goobta ka hadlay ra’iisul wasaare Cabdi Weli, oo sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay dowladda Puntland usoo dhoweysay.

Cabdi Weli ayaa sheegay inuu Puntland uga cudur daaranayo in safarkiisa uu dhowr jeer baaqday, balse cilado iyo duruufo jiray awgood uu uga baaqday safarka dhowr goor, waxaana uu intaas ku daray in ujeedkiisa uu yahay dhameynta khilaafka jira.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay dad badan oo madaxda Puntland ka mid ah

Halkan ka dhageyso hadalladii laga jeediyey munaasabadda

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com