Tarsan oo soo bandhigay lix arrimood oo ay DF SOMALIA ku hanaqaadeyso

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Max’uud Axmed Nuur (Tarsan) oo qormo uu kusoo daabacay Bogga uu Facebook ku leeyahay ayaa waxa uu uga hadlay Caqabadaha Dowlada Federaalka ah ee Somalia ka heysata dhanka Dhaqaalaha, Hormarka iyo qaabka ugu sahlan oo ay kaga gudbi laheyd.

Waxa uu sheegay in Jiritaanka Somalia uu xiligaani dib usoo bidhaamayo dhowr sanno kadib balse Dowlada looga baahan yahay inay xooga saarto dhabar adeega iyo sabarka, si uu yiri meesha looga saaro Madax ka caajista wax u qabadka Bulshadeeda.

Haddaba Tarsan ayaa waxa uu qoraalkiisa ku qeexay Lix qodob oo uu ku sheegay in hirgalinteeda looga baahan yahay DFS, haddii laga waayana aysan suuragal ahaan doonin inay hanato Dhaqaalaha waxaana kamid ah:-

1- Fulinta sharciga ama taabo gelinta sharciga.

2- Difaaca Qaranimada.

3- Isgaarsiin tayeysan.

4- Tamarta oo gaarta wadanka oo dhan oo

qeymo jaban.

5- Gaadiid isku xira wadanka oo dhan iyo wadooyin sahla isu socodka dadka iyo badeecada.

6- Nidaamka Canshuurta oo laga hirgeliyo wadanka oo dhan oona dhawrsan oo aan la xadikarin.

Waxa uu Tarsan sheegay in Lixdaasi qodob ay xiriir dhow la wadaagan Dhaqaalaha Dalka, balse ay kamid tahay shuruudaha lagu aqoonsado Dowladnimada.

Dhanka kale, waxa uu ka digay in Laamaha ammaanka ay kala didiyaan Bulshada, isagoona ku baaqay in Shacabka aan laga dhigan Cadow si ay ugu dhiiradaan la shaqeynta Laamaha Ammaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho 

Caasimada@live.com