Xog: DF Somalia oo wado qorshe lagu soo nooleynayo siyaasada Cali Khaliif

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dhanka DF ayaa sheegaya in Dowladu ay wado qorsho cusub oo ay kusoo nooleyneyso Siyaasada Madaxweynaha Maamulka Khatumo State Cali Khaliif.

DF oo ka faa’iideysaneysa Xiriir xumida ka dhex taagan Maamulada Khatumo iyo Somaliland, ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay Deegaanada uu ka arimiyo Cali Khaliif u diri doonto Ciidamo Militeri ah kuwaasi oo la sheegay in uu Ujeedkoodu yahay difaaca Maamulka Khatumo.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in qorshu yahay laba arrin mid kood, in Halkaasi la geeyo ciidamo deegaan ahaan kasoo jeeda Gobolka iyo Ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban Beelaha Soomaalida la geeyo.

Qorshahaani ayaa waxaa daadihinaaya Madaxweyne Xassan, Wasiirka gaashandhiga iyo Xubnaha deegaankaasi Khatuma kasoo jeeda ee ku jira DF.

Sidoo kale, waxa uu qorshahaani dhabar jab ku noqonayaa Maamulka Somaliland oo baacsanaaya Ciidamada Maamulka Khatumo, iyadoona ay suuragal tahay in Maamulka Axmed Siilaanyo uu ka tanaasuli doono Siyaasada gooni isu taaga ah.

Dhanka kale, warar aan la hubin ayaa sheegaya in booqashada Ra’isulwasaare C/weli ee Garowe ay qeyb ka tahay in Arrintaani uu kala hadlo  Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, si howlaha Ciidamada DF ee la geyn doono Deegaanada Khatumo dhaqdhaqaaqooda ula socto Dowlada Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com