Ciidamada Ruushka oo ku dhowaaday Kyiv iyo wararkii ugu dambeeyey dagaalka

Kyiv (Caasimada Online) – Ciidamada Ruushka ayaa ku dhowaaday magaalada Kyiv ee caasimadda Ukraine, waxayna duqeymo xooggan la beegsadeen goobo shacab ay degan yihiin, ayada oo ay xoogeysteen digniinaha ku saabsan “musiibo aan la qiyaasi karin” oo ka dhacda dalkaas.

Kadib 17 maalmood markii Moscow ay ka nixisay dunida ayada oo ku duushay Ukraine, QM iyo hay’ado kale ayaa sheegaya inay suurta-gal tahay in dambiyo dagaal ay ka dhaceen magaalooyin ay ka mid tahay Mariupol, oo maalmo ku jirto go’doon ay geliyaan ciidamada Putin

Saraakiisha magaalada ayaa Jimcihii sheegay in 1,500 oo qof lagu dilay 12 maalmood oo magaalada ay ku jirto go’doonka Ruushka. 

Dadka magaalada ayaa isku dayaya inay ka baxsadaan, ayada oo qabow darran uu ka jiro, sidoo kale ay go’een biyihii iyo kuleyliyihii guryaha, cuntana aysan jirin. “Xaaladda waa mid quus ah,” ayey yiraahdeen saraakiisha ururka Dhaqaatiirta aan Xuduudda Laheyn. 

Dhinaca kale, ciidamada Kremlin-ka ayaa si tartiib ah u hareereynaya magaalada Kyiv, ayada oo la-taliyaha madaxweynaha Ukraine Mykhailo Podolyak uu ugu yeeray “magaalo go’doonsan.” 

Waxa uu twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku sheegay inay diyaar u yihiin inay dagaalamaan, islamarkaana ay diyaariyeen marinada sahayda iyo dhufeyso, wuxuuna intaas ku daray “Kyiv waa ay taagnaan doontaa illaa dhammaadka.”

Militariga Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay isku dayayaan inay burburiyaan difaacyada Kyiv ee waqooyiga iyo galbeedka, halkaasi oo maalmo ay ku wadaan duqeymo. 

Taankiyada Ruushka ayaa sidoo kale magaalada uga soo siqaya dhanka waqooyi bari.

Dhinaca kale, dagaal-yahano shisheeye ayaa ku biiray dagaalka ayaga la kala safan laba dhinac, waxaana Jimcihii Kremlin-ka uu xoojiyey dadaallo uu dagaalka ku keenayo dagaal-yahano ka imanaya Syria. 

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay inay dagaalka kusoo biireen in ka badan 20,000 oo dagaal-yahan oo badankood ka yimid Yurub, halka Moscow ay sheegtay inay dagaal-yahano Suuriyaan ah kusoo biireen, kuwa kalena diyaar u tahay.