HirShabelle oo shaacisay jadwalka doorashada afar kursi – Yaa hadda ku fadhiya?

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga SEIT ee HirShabelle ayaa shaaciyey xilliga la qabanayo doorashada 4 kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay gudaha magaalada Beledweyne.

Guddiga ayaa soo saaray jadwal cusub oo ku aadan qabashada doorashada afartan kursi oo kala ah HOP#004, HOP#011, HOP#063 iyo HOP#135.

Qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada HirShabelle ayaa waxaa lagu shaaciyey in doorashada kuraastan la qaban doono 14-ka bishan oo ku beegan Isniinta soo socota.

Yaa ku fadhiya?

1-HOP#004 waxaa ku fadhiya  Maxamed Xasan Ibraahim Qoone.

2-HOP#011 waxaa ku fadhiya Cabdirisaaq Cumar Maxamed, wasiirii hore ee amniga.

3-HOP#063 waxaa ku fadhiya Cabdullaahi Goodax Barre, wasiirii hore ee waxbarashada.

4-HOP#135 waxaa ku fadhisa Aamina Maxamed Cabdi.

Doorashada kuraastan oo isha aad loogu wada hayo ayaa waxaa loogu jiraa loolan xoogan, iyadoo haatan olole ballaaran uu ka socdo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

HirShabelle ayaa weli la hardameysa dhammeystirka doorashada kuraasta taalla Beledweyne oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaasi.