Loolankii Odowaa iyo Al-Cadaala oo dhinac u dhacay kadib markii la shaaciyey odayaasha xulaya ergada

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddiga doorashaa Galmudug ayaa soo saaray liiska odayaasha soo xulaya ergooyinka saddex kursi oo doorashadoodu ka dhaceyso magaalada Gaalkacyo, oo uu ka mid yahay kursiga HOP#069.

Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiya wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Odowaa, hase yeeshee waa kursiga ugu loolanka adag kuraasta taalla Gaalkacyo, ayada oo sidoo kale uu u sharxan yahay Cabdiraxmaan Al-Cadaala, oo ah wasiir ku-xigeenka warfaafinta, sidoo kalena ah gacanta midig ee ra’iisul wasaare Rooble.

Liiska odayaasha lasoo saaray ayaa u muuqda inuu dhan u riday loolankii Odowaa iyo Al-Cadaala, ayada oo Caasimada Online ay fahansan tahay in odayaasha loo xil-saaray ergo xulista ay taageersan yihiin Cabdiraxmaan Odowaa.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweyne Qoor Qoor ayaa cadaadis xooggan kala kulmay ganacsatada iyo odayaasha beesha kursiga leh, oo la sheegay inay si aad ah u doonayaan in dib loo doorto Odowaa, taasi oo keentay in odayaal taageersan Odowaa loo xil-saaro soo xulista ergada.

Waxaa hadda la filayaa in odayaashan ay magacaabaan ergo taageersan Odowaa, taasi oo u sahleysa inuu ka adkaado Al-Cadaala.

Inkasta oo odayaashan ay yihiin kuwii saxda ahaa, haddana waxaa horey u jiray dadaal ay xafiiska ra’iisul wasaaraha ku doonayeen in oodayaal raacsan Al-Cadaala lasoo magacaabo, si ay taasi uga caawiso dhanka ergada.

Guusha horudhaca ah ee usoo hoyatay Odowaa, ayaa waxaa sidoo kale qiray xildhibaan Mahad Salaad oo bartiisa facebook soo dhigay liiska odayaasha isaga oo hambalyo u raaciyey Odowaa.

“Mabruuk ayaan leeyahay Xildhibaan Abdurahman Odowaa HOP069 xirsigiisu waa xiranyahay,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Hambalyada Mahad Salaad ayaa waxaa laga fahmi karaa in loolankii kursiga HOP#069 uu dhan u dhacay.