Xog: R/W Rooble iyo Axmed Madoobe oo go’aan ka gaaray kuraasta Garbahaarey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli taagan xiisada ka dhalatay kuraasta taala magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay isku hayaan maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe iyo Kooxda Villa Somalia.

Xog aan helayno ayaa sheegaysa in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isku raacay in kuraasta taalla Garbahaarey loo wareejiyo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkaas.

Wada-hadalka Rooble iyo Axmed Madoobe ayaa waxaa ku wehlinayay Madaxweyne Deni, waxayna dhamaantood isla qaateen in haddii go’aankaas shaqeyn waayo dib loo dhigo doorashada kuraasta talla Garbahaarey illaa inta la dooranayo guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Go’aanada ay dhinacyadaan ka qaateen kuraasta taalla Garbahaarey ayaa waxaa la rumeysan yahay inay soo dadajisay tallaabadii uu qaaday maamulka Garbahaarey ee hoos taga Villa Somalia, kaasi oo dhawaan diiday in halkaas uu tago wafdigii uu magacaabay Rooble.

Sidoo kale waxaa go’aamadan cusub horseed un noqday kadib markii kooxda Villa Somalia iyo maamulka ay wataan ay ciidamo ku qabsadeen magaalada, taasi oo meesha ka saaraysa qabsoomida doorasho lagu kalsoonaan karo.

Shalay unbey aheyd markii Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda uga muujiyay rejo wanaag lagu soo dhameystiri doono kuraasta ku dhiman maamulkaas, oo qeyb ka tahay 16-ka kursi ee taalla Garbahaarey.

Madaxda sare ee Jubbaland ayaa hore u sheegay in ka Dowlad-Goboleed ahaan ay diyaar u yihiin in ay wareejiyaan macluumaadka la xiriira Doorashada Garbahaarey si looga gudbo caqabadaha hortaagan doorashada 16ka kursi.

Si kastaba, Go’aankan cusub ayaa la ogeyn sida uu u dhaqan-gali doono, maadama kooxda Farmaajo ay xeelad iyo dhaqaale badan ku bixisay sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd kuraasta taalla Garbahaarey.