Daacishta Soomaaliya oo war kasoo saartay isbedalka hoggaanka kooxdaas

Boosaaso (Caasimada Online) – Kooxda Daacish, gaar ahaan faraceeda Soomaaliya ayaa ka hadashay isbedalka ballaaran ee ku yimid hoggaanka guud ee kooxdaasi.

Bayaan kasoo baxay Daacishta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay daacad u noqon doonaan hoggaamiyaha cusub oo lagu magacaabo Sheekh Abuu Al-Xasan Al-Hashimi.

Sidoo kale waxa ay kooxdu wacad ku martay in ay laba jibaari doonto howl-galladeeda, xilli la’isku diyaarinayo bisha barakeysan ee Ramadaan.

Farriintan oo aheyd mid gaaban ayaa waxaa sidoo kale kasoo muuqday dagaalamayaal ka tirsan Daacish iyo horjoogahooda oo lagu soo badhigay bogga kooxda ee Twitter-ka.

Kooxda Daacish ayaa dhowaan Seekh Abuu Al-Xasan Al-Hashimi u magacowday inuu noqdo hogaamiyahooda cusub, waxayna xaqiijisay geerida hoggaamiyahoodii hore ee Abu Ibrahim Al-Qurashi, kaas oo lagu dilay weerar ay ciidanka Mareykanka ka fuliyeen gudaha Suuriya.

Dagaalamayaasha ISIS ee ka howl-gala Soomaaliya ayaa ku xoogan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari oo ah halka ay kasoo duubtay farriintan loo diray hoggaamiyaha cusub.

Inta badan dagaalamayaasha kooxdan ayaa weeraro ka fuliyo qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan magaalooyin ay ka mid tahay Muqdisho oo ah caasimada Soomaaliya.