Wasiir Al-Cadaala oo gacan ka taagay loolankii kursiga HOP#069 ee ODOWAA

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiirka ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa gacan ka taagay loolankii uu ugu jiray kursiga xildhibaan ee HOP#69, isaga oo qirtay in looga adkaaday, una hambalyeeyey Cabdiraxmaan Odowaa oo hadda kursiga ku fadhiya mar kalena u sharxan.

Inkasta oo kursiga doorashadiisa aysan weli dhicin, haddana Al-Cadaalaa aya garwaaqsaday in rajada uu ku hanan karo ay tahay 0, taasi oo keentay inuu ka haro tartanka.

Al-Cadaalada ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaan halkaan uga hambalyaynayaa adeerkey Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo noqonaya Xildhbaanka I matalidoona afarta sano ee soo socota insha allaah.”

“Waxaan umahadcelinayaa dhamaan saaxiibadii mudada ka badan labada Sano igala shaqaynayay Ololahayga. Waxaan kale oo u mahadcelinayaa dhamaan taageerayaashayda kala duwan oo aan leeyahay waad mahadsantihiin. Halganku wuu soconayaa insha allaah. Dhamaanteen waan guulaysanay. Gacmaha ayaan isqabsanaynaa horay ayaanan usoconaynaa insha allaah.”

Sidoo kale, xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa uga mahd-celiyey Al-Cadaala inuu tartanka uga haray.

“Waxaan u mahad celinayaa Wasiir ku xigeenka warfaafinta wiilkayga Abdirahman Yusuf Omar sida sharafta iyo xurmadda leh ee uu iigu tanaasulay. Waxaan u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan anoo ballan qaadaya inaan gacmaha is qabsanno si aan ugu adeegno bulshadeenna. Caawo waan wada guulaysanay adeer. Allaa mahad leh,” ayuu yiri Odowaa.

Intaas kadib ayaa Al-Cadaala wuxuu hoygiisa Gaalkacyo ku booqday Odowaa, halkaasi oo ay isku niyad fureen.

Go’aanka Al-Cadaala ayaa yimid saacado kadib markii Guddiga doorashaa Galmudug ay soo saareen liiska odayaasha soo xulaya ergooyinka saddex kursi oo doorashadoodu ka dhaceyso magaalada Gaalkacyo, oo uu ka mid yahay kursiga HOP#069.

Liiska odayaasha lasoo saaray ayaa u muuqda inuu dhan u riday loolankii Odowaa iyo Al-Cadaala, ayada oo Caasimada Online ay fahansan tahay in odayaasha loo xil-saaray ergo xulista ay taageersan yihiin Cabdiraxmaan Odowaa.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweyne Qoor Qoor ayaa cadaadis xooggan kala kulmay ganacsatada iyo odayaasha beesha kursiga leh, oo la sheegay inay si aad ah u doonayaan in dib loo doorto Odowaa, taasi oo keentay in odayaal taageersan Odowaa loo xil-saaro soo xulista ergada.

Waxaa hadda la filayaa in odayaashan ay magacaabaan ergo taageersan Odowaa, taasi oo meesha ka saartay rajadii Al-Cadaala.

Inkasta oo odayaashan ay yihiin kuwii saxda ahaa, haddana waxaa horey u jiray dadaal ay xafiiska ra’iisul wasaaraha ku doonayeen in oodayaal raacsan Al-Cadaala lasoo magacaabo, si ay taasi uga caawiso dhanka ergada, balse lagu guuldarreystay.