Ciidamada SACUUDIGA oo toogtay dad Soomaali ah

Sanca (Caasimada Online) – Sida ay sheegeen Soomaali ku sugan Sacuudiga, Ciidamada Ammaanka ee ku sugan Xuduudda ay wadaagaan Boqortooyada Sacuudiga iyo Yemen ayaa toogtay Tahriibayaal Soomaali ah oo doonayay in ay u gudbaan gudaha dalkaasi.

Qofka la dilay ayaa lagu magacaabayay Axmed-Nuur Maxamed Caraaye (Afdheere), halka 4-kalena ay ku dhaawacmeen rasaasta ay ku rideen Ciidamada Sacuudiga dadkaan doonayay in ay u tallaabaan Sacuudiga.

Dadkan ayaa sheegay in dhaawaca soo gaaray oo ay waayeen gurmad lagu daweeyo uu sababay in dhiig bax uu u dhinto marxuumka geeriyooday.

Tuulada dhacdadaan ka dhacday oo lagu Magacaabo Raqwah ayaa dhacda Soohdinta Dalalka Yemen iyo Sacuudiga ay wadaagaan, waxa ay gudaha usoo jirta Xuduuda Yemen.

Dadka dhaawacmay ayaa looga kala tagay goobta, waxa ay wararku sheegayaan in iyanne ay ku dhiig-baxeen Tuulada Raqwah oo ah Halka lagu tuugtay.

Sacuudiga ayaa ciidamo dheeraad ah geeyay Xuduudda uu la wadaago Yemen, waxa ayna ku xireen Silig iyo Kaamirooyin, si ay ula socdaan Dhaq-dhaqaaqa dadka soo galaya iyo kuwa ka baxaya.

Soomaalida Sacuudiga u tahriibto waxa ay ka tallaabaan Soohdinta Yemen iyo Sacuudiga, waxa ay ka gudbaan buuro dhaadheer, iyaga oo la kulmo Khasaare dhimasho, Dhaawac iyo qaarkood oo la qabto, kadibne loosoo celiyo Dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa kordhisay Ciidamada ka howlgalaya Xuduudda Yemen ay la wadaagaan, maadaama Diyaaradooda ay duqeymo ka geystaan Dalkaasine, kana baqayaan in xubno katirsan Xuutiyiinta ay gudaha dalkooda ugu gudbaan.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
Caasimada@live.com