Beesha caalamka oo war ka soo saartay xaaladda ka taagan Koonfur Galbeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa qoraal xasaasi ah kasoo saartay xaaladda kacsan ee maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay ka dhaceen shaqaaqooyin ka dhisay xarigga ay dowladda Soomaaliya ay kula kacday Mukhtaar Roobow.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in beesha caalamka ay tacsi tiiraanyo leh ka direen geerida xubin ka mid ah Baarlamanka Koonfur Galbeed iyo dadkii kale ee ku dhintay rabshadaha Baydhaba ka socda, kuwaasoo qarxay markii ciidamada Itoobiya ay xireen Mukhataar Roobow, kadibna loo duuliyay Muqdisho khamiistii.

“Waxaan ka soo horjeednaa rabshadaha iyo falalka kale ee ka sii dari kara xaaladda bani’aadamnimada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka beesha caalamka, kaasoo aan lagu soo hadal qaadin xariga Roobow.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in la raaco hanaankii lagu heshiiyay ee doorashada, waxaana loogu baaqey dhinacyada inay xushmeeyaan lana shaqeeyaan guddiga doorashada Koonfur Galbeed.

“Waxaan dhiirigelineynaa wada-hadal wax ku ool ah si loo xaliyo khilaafaadka siyaasadeed, lagana hortago caqabadaha kale si loo hormariyo horumarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka,” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay warka kasoo baxay saaxibada beesha caalamka.

Qoraalkanka waxaa soo saarey Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Kenya, the Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AMISOM iyo the United Nations.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com