Ciidamada Saney Cabdulle iyo Cusmaan Xaadoole oo ku dagaalamay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhinaca deegaanka Gubadley ayaa sheegaya in saaka dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan milatariga dowladda Soomaaliya uu ka qarxay halkaasi

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo ciidamada Korneyl Saney Cabdulle iyo kuwa kale oo taabacsan Cismaan Xaadoole oo isna ka mid ah saraakiisha milatariga Soomaaliya, kana howl-gali jiray gobolka Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay halka loo yaqaano xaafadda Xaawo Casir iyo agagaarka Suuqii hore xoolaha ee Xirga-Dheere.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli is horfadhiya ciidamada labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya waxaa sababay dagaalkan, waxaana wararka qaar ay sheegeen in la’isku qabtay muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi, halka kuwa kalena ay ku warramayaa in is faham waa uu soo kala dhex-galay labada ciidan ee diriray.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in iska hor imaadkan uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah.

Ma jira weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca laamaha ammaanka oo ku aadan dagaalkaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Si kastaba, ma’aha markii ugu horreysay ee ay wada dagaalamayaan ciidamo ka kala taabacsan Korneul Saney iyo Cismaan Xaadoole, iyaga oo horey ugu dagaalamay halkaasi.