Midowga Musharaxiinta oo WEERAR culus ka qaaday Golaha Wadatashiga Qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga musharaxiinta mucaaradka ayaa war xasaasi ah kasoo saaray dib u dhaca markale ku yimid jadwalka doorashooyinka dalka.

Qoraalka kasoo baxay musharixiinta ayaa waxaa lagu sheegay in dib u dhacan oo ah kii saddexaad oo ku yimaada jadwalka doorashooyinka uu sababay in dalka uu galo firaaqo dastuuri ah iyo xaalad hubanti la’aan ah oo saameyn ballaaran ku yeelatay xasiloonida.

Sidoo kale golaha ayaa shaaca ka qaaday in ay ka wel-welsan yihiin in illaa iyo hadda aysan caddeyn xilliga rasmiga ah ee ay qabsoomeyso doorashada golaha shacabka.

Warsaxafaadeedkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in mas’uuliyadda dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashooyinka uu qaadayo golaha wada-tashiga qaran oo ka kooban ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo shanta hoggaamiye goboleed ee dalka.

“Goluhu wuxuu hoosta ka xarriiqayaa in Golaha Wadatashiga Qaran uu qaadayo mas’uuliyadda dib u dhaca doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qoraalka ayaa intaasi kusii daray “Hay’adihii dowladda federaalk oo muddo xiloodkoodii sharciga ahaa dhammaatay waxey keentay hubanti la’aanta siyaasadeed oo sababtay in yididiilladii shacabka yaraato, mugdina hareeyo maalgashigii ganacsi, heshiisyadii caalamiga ahaa, kaalmooyinkii dhaqaale, dayn cafinta, iyo mataaladdii Soomaaliya ee fagaarashayaasha caalamiga ah,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo jadwalkii ugu dambeeyey doorashooyinka uu dib u dhac ku yimid, kaas oo dhigayey in doorashada madaxweynaha ay dhaceyso 10-ka bishaan October oo shalay ku beegneyd, iyada oo aan weli la dhameystirin doorashada Aqalka Sare.