Ciidamada Ahlu Sunna oo isaga baxay Matabaan iyo wararkii ugu dambeeyey

Matabaan (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ay isaga baxeen guud ahaan degmada Matabaan, taas oo ay dhowaan la wareegeen, kadib markii ay ku soo rogaal celisay gobollada dhexe.

Ciidamada Ahlu Sunna oo wata gaadiidkooda dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inay saaka faarujiyeen xarumihii ay ku sugnaayeen ee gudaha degmada Matabaan, waxaana ay gaareen deegaan dhaca xadka kala qaybiya labada gobol ee Hiiraan iyo Galgaduud.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadu ay halkaasi ka sameysteen Kastam cusub oo ay gaadiidka uga qaadi doonaan lacago Canshuuro ah.

Ma cadda illaa iyo hadda sababta ka dambeysa in Ahlu Sunna ay dib uga soo baxdo degmadaasi oo dhowaan ay si nabadoon kula wareegtay.

Wararka ayaa intaas ku sii daraya in Kastamkii ay ku sugnaayeen ciidamada Ahlu Sunna ay haatan dib ula wareegay maamulka Matabaan oo ka bilaabay qaadiida Canshuuraha.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha Ahlu Sunna Waljamaaca iyo maamulka degmada oo ku aadan arrintaasi.

Dib u gurashada Ahlu Sunna ee dhinaca degmada Matabaan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo haatan xiisad culus ay ka taagan tahay degmada Guriceel oo laga cabsi qabo inay weerar ku qaadaan ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.