Ciidanka S/LAND oo dagaal looga saaray Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay uu markale dagaal culus ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo ka soo horjeedo maamulka Hargeysa.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa sababay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac iyo sidoo kale dad rayid ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada Somaliland ay dib uga baxeen magaalada Laascaanood, waxaana saaka gudaha u galay maleeshiyaadka deegaanka ah oo diidan joogitaanka ciidamadaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay weli dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan magaaladaas oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya.

Sidoo lale waxaa lagu so waramayaa in ciidamada deegaanka ee la wareegay magaalada  ay dib u fasaxeen adeeggii isgaarsiinta, gaar ahaan Internet-ka oo ay horay u xireen ciidamada Somaliland.

Laascaanood waxay maalmahan ku jirtay xaalad adag, waxaa hakad-galay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada, sida ganacsiga, waxbarashada iyo isku socodka dadweynaha.

Rabshadahaan oo galay todobaadkii labaad ayaa ka dhashay dil dhowaan magaaladaasi loogu gaystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka ee siyaasadda ka muuqday, xubina ka ahaa xisbiga mucaaradka ee Waddani.

Waxay sidoo kale rabshaduhu kasii dareen markii ciidamadu ay rasaas u adeegsadeen dibadbaxayaasha, taas oo dhalisay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba, xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxaysa, maadaama aan xal loo helin rabshadaha socdo, waxayna weli shacabku wadaan dibadbaxa, halka ciidamaduna ay adeegsanayaan awoodooda, taas oo kordhisay khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah.