Somaliland oo gacanta ku dhigtay hub fara badan

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada ammaanka Somaliland ay howl-gallo ballaaran ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi oo dhaca waqooyiga Soomaaliya.

Howl-gallada ayaa waxaa lagu soo qabtay hub iyo waxybaabaha maanka dooriya, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha Booliska gobolka Sool, Gaashaanle Dhexe Maxamed Saleebaan Gooni.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howl-gallada ay ka dambeeyeen, kadib cabasho ka timid dadka shacabka ah.

Hubka lagu soo qabtay howl-galladan ayuu sidoo kale tilmaamay inay yihiin kuwa sharci darro ah oo dadka lagu dhibaateyn jiray.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay la shaqeeyaan ciidamada Booliska, si looga hortago falalka liddiga ku ah ammaanka ee mararka qaar ka dhacay gobolkaasi Sool.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Somaliland ayaa kordhiyey howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya