Tiro koob lagu bilaabay ciidamada ka howl-gala Dhuusamareb, ka hor shirka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararkaka imaanaya degmamada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in diyaar garowgii ugu dambeeyey wejiga saddexaad ee shirka madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada laga dareemayo gudaha magaaladaasi.

Dhaq-dhaqaaqyo ciidan ayaa ka jira magaalada, waxaana sidoo kale tiro joob lagu bilaabay ciidamada jooga qeybaha kala duwan ee Dhuusamareeb, si loola socda xogtooda oo dhameystiran.

Ujeedka ayaa ah sidii looga hortagi lahaa isku dhacyo ama kala shaki soo kala dhexg-ala ciidamada, inta uu socda shirka Dhuusamareeb oo sidoo kale ay ka qeyb gali doonaan saamileyda siyaasadeed ee dalka oo ay ugu horreyaan xisbiyada mucaaradka.

Sidoo kale ciidamada dowladda iyo kuwa Galmdug ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gallo ka bilaabeen gudaha magaaladaasi, iyaga oo guri guri u baarayaha xaafadaha degmadaasi.

Ciidamada ayaa sidoo kale baaraya gaadiidka kala duwan ee isaga kala goosha waddooyinka kala duwan ee caasimadda Galmudug.

Dhuusamareeb ayaa saddex maalin kadin marti gelineysa shir ballaaran oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka lagu muransan yahay ee 2020/2021.