Ciidamada Somaliland oo saldhig qabsaday Puntalnd

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Warar aanu ka helayno deegaanka Boocame ee gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Somaliland ay goordhoweyd la wareegen Saldhigii deegaankaasi oo ciidamada Puntland ay hore ugu hayeen gacanta.

Saldhigaasi Boocame ayaa waxa gacanta ku hayey Ciidamo ka tirsan Puntland kuwaasi oo ay kala wareegen Ciidamo kale oo taabacsan Somaliland oo iyagu hore uga tirsanaa Ciidamada maamulka Puntland.

Ciidamadan maanta la wareegay Saldhiga Boocame ayaa waxay calanka Somaliland ka taageen gudaha saldhigaasi, waxaana hor kacayay ciidamadaasi sida la sheegay Saraakiil caan ka ah deegaanada maamulka Puntland.

Wararka aanu helayno ayaa waxay intaasi ku sii darayaan in Ciidamada la wareegay Saldhigaasi uu maamulka Somaliland ku soo xoojiyey ciidamo kale iyo gaadiid dagaal, si ay u kordhiyaan awooda ciidamada la wareegay saldhigaasi.

Ilaa iyo hadda majiro wax war ah oo ka soo baxaya maamulka Puntland oo ku aadan Saldhigaasi ay kala wareegeen Ciidamada Somaliland, oo uu kala dhaxeeyo dagaal dhanka xuduuda ah.