Ciidamada SOMALILAND oo SARKAAL sare laga dilay

Boorama (Caasimada Online) – Gaashaanle Dhexe Cabdirisaaq Xasan Dalmar oo kamid ah saraakiisha ciidanka Somaliland ayaa waxaa maanta lagu dilay deegaanka Goroyo Cawl ee degmada Boorama ee gobolka Awdal.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Dalmar uu dilay mid kamid ah Askarta uu taliyaha u ahaa, ayada oo illaa hadda aan si rasmi ah loo ogeyn sababta ka dambeysay in uu rasaasta ku furo.

Askariga dilka geystay oo isku dayay in uu xarunta ka baxsado ayaa waxaa qabtay ciidamada uu ka tirsanaa, kuwaasi oo u gacan geliyay hay’adaha ammaanka, gaar ahaan waaxda qaabilsan baarista dambiyada.

Waxaa durtaba billaabatay baaritaanka dilkaan, si loo ogaado sababta keentay in uu askarigaan toogto taliyihiisa AHUN Gaashaanle Dhexe Cabdirisaaq Xasan Dalmar.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dilka kadib waxaa deegaanka Goroyo Cawl gaaray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Somaliland, kuwaasi oo wareysi gooni-gooni ah la yeeshay ciidamada ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay, si ay u ogaadaan macluumaad ku aadan dhacdadaan.

Sarkaalka la dilay ayaa ka mid ahaa Dhallinyarada Somaliland ee dalka Ethiopia tababarka ku soo qaatay, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa saraakiil uu sannadkii hore dalacsiiyay madaxweynaha Somaliland.