Ciidamada Soomaaliya oo dhoolatus milatari ka billaabay gudaha Itoobiya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamo Soomaali ah iyo kuwa kale oo ka kala socda qaar ka mid ah dalalka NATO iyo kuwa ku yaalla Geeska Africa, ayaa Dhoolatys Milatari wuxuu uga bilowday bariga dalka Itoobiya.

Ciidamadani oo tiro ahaan gaaraya illaa kun askari ayaa soo bandhigaya Dhoolatus aad u ballaaran.

Ujeedada laga leeyahay Carbiskan Milatari ayaa ah mid lagu xoojinayo awooda howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

Mareykankaa ayaa maal gelinaya Dhoolatuskani oo socon doono muddo labo todobaad ah.

Dalalka Africa ee ka qeyb galaya ayaa waxaa ka mid ah  Somlia, Jabuuti, Ugnada, Ethiopia, Ruwanda, Ethiopia iyo howlgalka AMISOM.

Dowladda Itoobiya ayaa sanadkii labaad marti gelineysa Dhoolatuskani oo loogu magac daray JA19.

Soomaaliya oo hadda ka soo kabaneysa burbur xoogan ayey fursad muhiim ah u tahay inay soo bandhigto cududeeda Milatari, kana faa’iido Carbiskaasi.

Ciidamada Xoogga oo dib loo dhisayo ayaa dhawaan AMISOM kala wareegaya amniga, kuwaas oo la qorsheynayo in gabi ahaan ay isaga baxaan dalka.

Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
caasimada@live.com