Ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya oo ka cabanaya mushaar la’aan dhowr bil ah

Kampala (Caasimada Oniline) – Wargeyska New Vision ee ka soo baxa magaalada Kampla ayaa sheegay in ciidanka Uganda ay qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ay ka maqan tahay lacag dhan 14.2 Milyan oo dollerka Mareykanka ah.

Wargeyska ayaa shaaciyey in illaa todobo bil aysan wax mushaar ah qaadan ciidamadaasi ka tirsan Milatariga Uganda.

Askartan oo tiradoodu ay gaareyso illaa 2,450 askari ayaa ka mid ah ciidankii Uganda ee sanadkii la soo dhaafay ka baxay Soomaaliya .

Lacagta ciidamadani oo beesha caalamka u mariso Midowga Afrika ayaa loo gudbiyey dowladda Uganda oo la sheegay inay ku shubtay bangiga dhexe ee dalkaasi.

Rechard Karemire, afhayeenka ciidanka Uganda oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa xaqiijiyey in mushaarkaasi maqan yahay, balse ma sheegin sababta.

Sodoo kale afhayeenka ayaa ugu baaqay ciidamada inay is dajiyaan, islamarkaana ay dul qaad muujiyaan.

Uganda ayaa ka mid ah wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waana dalka ugu badan ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Kampla
caasimada@live.com