Xisbiga Waddani oo war ka soo saaray ciidamadii shalay u gostay Puntland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta si adag uga hadlay Sarkaal iyo ciidamo ka tirsan Somaliland oo shalay ku biiray maamulka Puntland.

Afhayeenka guud ee xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay isku dhiibaan maamulka Puntland ay tahay hogaamin xumo ku habsatay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiye Madaxweyne Muuse Biixi.

Afhayeen Batuun oo maanta magaalada Hargeysa warbaahinta ugu waramayey, ayaa si weyn u dhaliilay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, oo ku sheegay mid gabay shaqadii uu qaranku u igmaday, wuxuuna yiri

“Labadii sanno ee u dambeeyay Wasiirka arrimaha dibeda oo nabad-gelyada dalka iyo sharafta ciidamada Mas’uul ka ah, waqtigiisi uu kaga lumay isagoo komishanka hor-taagan, oo uu ka shaqeynayey labada xubnood ee mucaaridka waa lagu darayaa komishanka iyo muran siyaasiya oo xisbiyeed, iyada oo mas’uuliyad ka weyn oo amni ay u taalo”.

“Intii uu arrimaha ku mashquulsanaana waxa galbatay Sanaag-bari. Waxaana shalayto dhacday magaalada badhan badhtankeeda guutada 117, oo aheyd guuto aad miisaan ugu aheyd ciidama qaranka Somaliland, xeradoodii iyaga oo jooga aysan jirin ciidan soo weeraray, awood kale oo banaanka ka timid oo qabsatay aysan jirin, si ay iyaga laabtooda uga soo go’dayna ay ugu biireen Puntland”.

Wuxuuna intaas ku sii daray “Xisbi ahaan cabsi xoogan ayaa nagaga aadan Sanaag-bari galbatayee, in gobolo kale oo Somaliland ah ay socon doonaan. Ilaalinta xuduudaha qarankuna waxay u baahantahay hogaamin xil-kasnimo leh ee uma baahna hogaamin xoolo urursi u timid”.

“Waxaan bulshada Sanaag-bari ugu baaqeyna Muuse Biixi wuu tagayaa oo waa hubaal ee yaan la kala tagin, waxanu bulshada u sheegayna in xisbi ahaan mudnaantayada koowaad ay tahay isku haynta dalka iyo dadka, waxana diyaar unahay tabasho kasta oo jirta in aanu xalino marka aynu kursiga nimaadno insha-allah “.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com