Ciidamada Ukraine oo dib u qabsaday Kyiv iyo dagaalkii oo marxalad cusub galay

Kyiv (Caasimada Online) – Ukraine ayaa sheegtay inay dib gacanta ugu dhigtay gobolka Kyiv, ayada oo ciidamada Ruushka ay dib uga gurteen hareeraha magaalada caasimadda ah iyo magaalada Chernigiv. 

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay inay dib ula wareegeen in ka badan 30 magaalo iyo xaafado oo ku dhow Kyiv, tan iyo markii Ruushka ay billaabeen inay dib u gurtaan horaantii toddobaadkan. 

“Gobolka Kyiv oo idil waa laga xoreeyey duulaanka,” waxaa sidaas tiri wasiir ku-xigeenka difaaca Ukraine Hanna Malyar, oo qoraal ku daabacday facebook.

Ayaga oo ka baxaya aagga waqooyi, ciidamada Ruushka ayaa u muuqda inay diiradda saarayaan bariga iyo koonfurta Ukraine, halkaas oo ay haystaan dhul badan oo ka mid ah. 

“Waa maxay ujeedka ciidamada Ruushka? Waxay doonayaan inay qabsadaan Donbas iyo koonfurta Ukraine,” waxaa sidaas yiri madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky. “Waa maxay hadafkeena? Waa inaan difaacnaa xoriyaddeena, dhulkeena iyo shacabkeena.”

Hase yeeshee, waxaa waddooyinka ku dhow caasimadda daadsan meydad badan ayada oo ay soo baxeyso in ciidamada duulaanka ah laga yaabo inay si ula kac ah u dileen dad shacab ah oo aagaas ku sugnaa. 

Weriyayaal ka tirsan wakaaladda wararka AFP ayaa arkay ugu yaraan 20 meydad oo yaalla hal waddo oo ku taalla magaalada Bucha ee ku dhow caasimadda, meydadkaas oo mid ka mid ah garbo duub loo xiray. 

“Dhammaan dadkan waa la toogtay,” waxaa sidaas AFP u sheegay duqa magaalada Bucha Anatoly Fedoruk, oo intaas ku daray in meydadka 280 qof lagu aasay xabaal wadareedyo ku yaalla magaalada. 

Tan iyo markii ciidamada Ruushka ay billaabeen duulaanka 24-kii Febraayo, kaasi oo Putin uu ugu yeeray “howl-gal gaar ah,” waxay ku guul-darreysteen inay qabsadaan xitaa hal magaalo oo weyn oo ka mid ah Ukraine.

Wasaaradda difaaca Ruushka waa ay diiday inay wax jawaab ah ka bixiso dib u garashada ciidankeeda. 

Moscow ayaa horey u sheegtay in ka bixitaankeeda aagga Ukraine ay tahay mid ay ku dhiiri-gelineyso wada-hadallada. Hase yeeshee Ukraine iyo xulufadeeda ayaa sheegay in Ruushka lagu qasbay inay diiradda saaraan Bariga Ukraine kadib markii ay guuldarrooyin culus kula kulmeen aagga Kyiv.