Khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabkii magaalada Hargeysa oo la shaaciyey

Hargeysa (Caasimada Online) – Duqa Magaalada Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge ayaa saqdii dhexe ee xalay shaaciyay inta uu le’egyahay khasaaraha hantiyadeed ee ka dhashay dabka habeenkii Jimcaha ka kacay Suuqa weyn ee Hargeysa.

Duqa Magaalada Hargeysa ayaa Warbaahinta u akhriyay warbixin horudhac ah oo lagu ogaaday baaxadda burbur dhaqaale ee dabkaasi uu sababay.

“Sida ay sheegtay xog uruurin horudhac ah dhibtii iyo khasaarihii ay sababtay masiibadii halkani ka dhacday waxaa lagu qiimeeyay inay u dhaxeyso hal bilyan iyo bar illaa laba bilyan oo dollar, waana qiimeyn horudhac ah weeye,” ayuu yiri Duqa Hargeysa.

Waxa kaloo uu yiri “Guddiga Heer Qaran ee taakuleynta Suuqa Waaheen waxay iguna isla maantaba magacaabeen Guddi Hoosaad, ka kooban ganacsatada iyo Culimada Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay magacyadooda soo sheegi doonaan Rugta Ganacsiga ee Somaliland.”

Duqa Hargeysa ayaa tilmaamay inay 5-ta bishan bilaabi doonaan olole lagu nadiifinayo Suuqa Hargeysa, si looga qaado wax kasta oo dabku uu ka tegay, wadooyinkana loo furo.

“Waxaa la go’aamiyay in maalinta Talaadada oo ku beegan 5-ta bisha April 2022 suuqan dhibta badani ay ka dhacday in la nadiifiyo, wax kasta oo dabku uu ka tegayna laga qaado, wadooyinkana la furo. Waxaa labadaa cisho loo bixiyay si dadkii dhibta u gaartay, haddiiba wax hambo ahi ay meesha ku hareen inay labadaa cisho ka uruursadaan, sidoo kalena caagaga iyo marada gubatay ee weli looga sii shakisan yahay inuu dabkii jiro, markaasi loo hubiyo,” ayuu yiri Mooge.