Ciidamadii cirka Soomaaliya ‘oo dib loo soo celinayo’

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Cirka Soomaaliya Sarreeya Guuto Maxamuud Sheekh Cali Maxamuud (Dable Beylood) kursi diyaaradeed oo uu ku fariisto waxaa u dambeysay March 1978-kii xilligii uu duuliya ka ahaa diyaarad Miig ah.

Ciiadamada Cirka Soomaaliya wuxuu ka tirsanaa in ka badan 50 sano. Dalka Soomaaliya oo haatan dagaal kula jira Ururka Al-Shabaab malaha diyaarad dagaal oo dowladdu ay kooxdaas kula dagaalanto.

Balse dalal ku yaalla Bariga Afrika iyo saaxibbada Mareykanka iyo Midowga Afrika ayaa mararka qaar Soomaaliya ka caawiya howlgallada dhinaca cirka ah.

Dadaallada dib u soo celinta Ciidamada Cirka Soomaaliya

Waxaa socda dadaal dib loogu soo celinayo ciidamadii cirka ee Soomaaliya oo 30 sano ka hor burburay, balse waxaa jira caqabado hortaagan.

Caqabadahaasi oo ay ka mid yihiin cunaqabateyn dhinaca hubka oo Qaramada Midoobay ay saartay oo aan Soomaaliya laga qaadin, waddanka oo aan weli ka soo kaban dagaalkii sokeeye, Soomaaliya oo aan weli yeelan dhaqaale ku filan oo hubka ay doonto ay ku soo iibsan karto iyo amniga waddanka oo ay dowladda si buuxda gacanta uga hayn.

Taliye Maxamuud Sheekh waa 75-sano jir waxuu hoggaamiyaa ciidamada cirka Soomaaliya waxuuna rajeeynayaa in ciidamada Mareykanka ay Soomaaliya ka caawiyaan sidii ay dib ugu dhisan lahayd ciidamadeeda cirka, iyada oo markii hore ahayd kuwa ugu awoodda badan Geeska Afrika.

“Ciidamada Cirka Mareykanka waxaan la billaawnay iskaashi. Wixii hadda ka hor iskaashi maanan laheyn,” ayuu yiri Maxamuud oo ka qeybgalay shir ay yeesheen taliyeyaasha ciidamada Afrika oo ka dhacay magaalada Kigali.

“Diyaarad, Duuliye iyo farsamo-yaqaan intaba ma haysanno, balse waxaan sugeynaa saldhigyada oo keli ah,” ayuu intaasi ku daray.

Ciidanka Cirka Soomaaliya oo la aasaasay 1954-kii ayaa mar ku faani jiray lahaanshaha diyaaradaha dagaalka ee MiG-17 iyo MiG-21. Dagaalkii ay Soomaaliya la gashay Itoobiya 1977-kii oo ay taageereysay Midowgi Soofiyeeti iyo dagaalladii Sokeeya ee dalka ka qarxay, waxay sababeen inay kala tagaan ciidamada cirka, wixii ka dambeeyey 1991-kii.

Ururka Al-Shabaab ayaa wixii ka dambeeyey 2,000 billaabay inuu khatar ku noqdo dowladihii taagta yaraa iyo shacabka Soomaaliyeed. Ciidanka Cirka ee Sooaamliya ayaa dib loo dhisay sanadkii 2015-kii.

Taliye Maxamuud wuxuu sheegay in Ciidamada Cirka Mareykanka diyaaradahooda duuliyaha leh iyo kuwa aan duuliyaha laheyn ee ay ilaalada iyo sirdoonka u adeegsadaan ay isticmaalaan saldhigga ciidamada cirka ee Ballidoogle oo Muqdisho kaga beegan Waqooyi Galbeed.

Howlgallaada la dagaallanka aragagxisada ee Mareykanka ayaa hakad ku yimid wixii ka dambeeyey markii uu Trump bishii January 2021-ka amar ku bixiyay iney gabi ahaanba ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay ka soo baxaan.

Mareykankana BalliDoogle wuxuu u isticmaalaa howlgallada ciidamada gaarka ah iyo tababarrada uu siiyo guutada Danab ee ka tirsan ciidamada xoogga dalka ee Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa ka gaabsaday iney ka jawabaan su’aasha laga weydiiyey iskaashiga sirdoonka iyo mustaqbalka waxa u qorsheysan ee ay doonayaan iney la qabtaan ciidamada cirka Soomaaliya, balse waxay hoosta ka xariiqeen sida ay Mareykanka uga go’an tahay xaqiijinta amniga Gobolka.

“Howlgallada ma aysan joojin, balse waxay yareeyeen tirada dadka, waxayna joojiyeen tababarrada ay siiyaan ciidamada gaarka ah, haddana marweliba duullimaadyo wey sameeyaan,” ayuu yiri taliyaha ciidamada cirka Soomaaliya Maxamuud Sheekh.

Taliyuhu wuxuu intaa ku daray ciidamada Mareykanka inay hadda Muqdisho dib ugu soo laabteen, iskashiga dhinaca ciidamada cirkana uu si cusub u billaawday. Wxuuuna sheegay inuu rajeynayo Mareykanka inuu ciidamada cirka Soomaaliya uu ka caawiyo dhanka tabbarradda ugu dambeyntina uu ugu deeqo diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa xamuulka.

“Waxa ugu horreeya ee aan ka dooneyno ayaa wuxuu yahay iney noo tababaraan duuliyeyaal, farsamo yaqaanno, shaqaalaha hagista hawada, ku wa diyaaradaha cillad bixiya,” ayuu yiri.

“Diyaaradaha xamuulka oo ay helaan ciidamada cirka Soomaliya waxay gacan ka geysaneysaa iney ka qayb qaataan daabulka ciidamada iyo gurmadka masiibooyinka dabiiciga ah.”

Taliye Maxamuud weli wuxuu ku labbisan yahay tuuta buluug ah oo ay ka muuqato astaanta ciidamada cirka Soomaalia iyo caleemo dahab ah oo darajadiisa muujineyso, wuxuuna rajeynayaa in mar aan dhaaereyn uu arko ciidamada cirka Soomaaliya oo si buuxda u soo noqdo si ammaanka dalkiisa hooyo uu u noqdo mid la isku halleyn karo.

“Diyaarado haddii aad haysato, waad garaneysaa sida aad ula dagaallameysid Al-Shabaab,” ayuu yiri.

“Al-Shabaab cirka iyo dhulkaba markaad kula dagaallanto muddo gaaban ayaad ku tirtiri kartaa, balse wax walba eber ayaan ka soo billaabeynaa. Waxaan dooneynaa wax walba inaan hoos ka soo dhisno. Marka wax kasta oo aan helno innagu kaalmo ayey noo tahay,” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada cirka Soomaaliya Sarreeya Guuto Maxamed Sheekh Cali Maxamuud (Dable Beylood).

Ciidamada Soomaaliya, Mareykanka marka laga reebo waxay iskaashi dhinaca ciidamada cirka ah oo looga gol leeyahay dib u soo celinta ciidamada cirka Soomaaliya iyo hubkooda ay Soomaaliya la gashay dalka Pakistan.

Dib u milicsiga Ciidamada Cirka Soomaaliya

Ciidamada Cirka Soomaaliya oo la aasaasay wixii ka dambeeyey markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay 1960-kii si la mid ah ciidamada cirka ee caalamka ka jira waxay mas’uul ka yihiin ilaalinta cirka iyo dhulka dalka Soomaaliya. Xorriyadda ka hor intii u dhaxeysay 1954-1960-kii waxaa loogu yeeri jiray Ciidanka Hawada Soomaliya (SAC), xorriyadda kaddibna waxaa magacaasi loo baddalay Ciidamada Cirka Soomaaliya (SAF).

Ciidanka cirka ee Soomaaliya oo wakhti ahaa kuwa ugu awoodda badan Geeska Afrika ayaa burburiay wixi ka dambeeyey 1990-kii marki ay dagaalladasokeeye ka dhaceen dalka Soomaaliya.

Hoggaanka ciidanka Soomaaliyana burburka ka hor waxaa gacanta ku hayey duuliyihii ugu horreeeyey Cali Mataan Xaashi.

Ciidamada Cirka Soomaaliyana waxay ku hubeysnaayeen diyaarado isugu jira kuwa dagaalka (oo miig (80) iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca (17) ka kooban), diyaaradaha xamuulka iyo kuwa tababarrada loogu talo galay (30).

Diyaaradah dagaalka ay ku hubeysnaayeen ciidamada cirka ee Soomaaliya wixi ka horreeyey 1991-kii waxaa sameeyey dalalka Mareykanka, Midowgii Sofiyeet, Talyaaniga iyo Shiinaha.

Xigasho: BBC