CIIDAMADII ilaalin lahaa doorashooyinka Soomaaliya oo DAL kale laga keenay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan Booliiska AMISOM ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, Askartaan u dhashay wadanka Nigeria ayaa soo dhameystay tababarka ku saabsan shaqada ciidanka Nabad Ilaalinta, Dhaqanka Soomaalida iyo xaaladda ay ku sugan tahay Soomaaliya.

Ciidamadaan lagu sheegay 130-ka Askari ayaa loo keenay iney wax ka ilaaliyaan Doorashada Soomaaliya ee la filayo iney dhamaadka sanadkaan qabsoonto, waxeyna ka mid noqon doonaan Booliiska AMISOM ee ka shaqeynaya magaalada Muqdisho.

Sida xogta lagu hayo Nigeria waxey noqotay Dowladii ugu badneyd ee ciidamo Booliis ah ku biirisa AMISOM, waana kuwa ka shaqo duwan kuwa Militariga.

Augustine Kailie oo ah taliyaha ciidamada Booliiska AMISOM ayaa ciidamada cusub ee ka yimid Nigeria u sheegay iney si hugan oo waafaqsan xerka iyo sharciyada howlgalka ku shaqeeyaan.

Ciidamadaan waxaa la sheegay iney saacidi doonaan Booliiska Soomaalida, waxeyna sugi doonaan amaanka goobaha muhiimka ah, doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha iyo sidoo kale xafladaha muhiimka ah

Ciidamada cusub waxaa hogaaminaya Shehu Ahmed Gani, wuxuuna sheegay iney wax badan ka faa’iideen tababarkii loo qabtay, wuxuuna u mahad celiyay ciidamada Booliska AMISOMN.