Ciidamadii Kaxandhaale la geeyey halkee ayaa laga kaxeeyey (Warbixin)

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo badan ay kala dhex galeen maleeshiyaadkii ku dagaalamayay deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud.

Saraakiil ciidan oo ku sugan Galgaduud ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay ciidamo kala dhex dhigaan maleeshiyaadka labadii maalin ee ugu dambeeyay ku dagaalamayay deegaanka.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada gaaray Kaxandhaale laga kaxeeyay magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Cadaado, waxaana geeyay halkaasi saraakiil labada dhinac kasoo jeeda.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee maleeshiyaadka ku dhexmaray Kaxandhaale waxay isaga  dileen ku dhawaad 20 ruux iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Deegaanka lagu dagaalamay oo ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo noq noqday dagaal beeleedyada, waxaana la sheegay in lagu muransan yahay dhul dhaaqsimeed.

Dadka kasoo jeeda dhinacyada dagaalamaya ayaa u muuqda kuwo u tashaday inaan dhiig dambe ku daadan Kaxandhaale oo marar badan maleeshiyaadka ay ku dagaalamaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com