ERITREA oo ka hadashay warar sheegaya in ciidamo ay usoo direyso Muqdisho

Asmara (Caasimada Online) – Dowladda Eritrea ayaa beenisay warbixin ay qortay jariidadda Indian Ocean Newsletter oo lagu sheegay in Eritrea ay ciidamo u direyso dalka Soomaaliya, kuwaas oo tagi doona magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Eritrea ayaa lagu yir “Daabacaadeedii 21-ka December (No 1488), Indian Ocean Newsletter waxa uu qoray ‘In madaxda Ethiopia iyo Eritrea ay dhiggooda Soomaaliya u muujiyeen sida ay diyaar ugu yihiin inay beddelaan ciidamada Amisom marka ay dalka ka baxaan 2021…Eritrea waxa ay qorsheeyneysaa inay 5,000 askari oo tegaya Soomaaliya ay dirto bisha Fabraayo’”

Wasaaradda ayaa kadib ku jawaabtay “Tani waa been qayaxan”

Wasaaradda warfaafinta Eritrea ayaa sidoo kale tiri “Tani ahan markii ugu horreysay ee Indian Ocean Newsletter ay baahiso been iyo taxliil wareed aan sal lahayn oo ku saabsan dhacdooyinka gobolka. Xaqiiqdii tani waaba astaanta ay ku caan baxday”

“Damaca Indian Ocean Newsletter ee ah inay akhbaar been ah faafiso kuma guuleysan doono ujeedkeeda, waxaana uu burburin doonaa oo kaliya sumcaddeeda. Waxaan ug baaqaynaa Indian Ocean Newsletter inay xushmeyso akhristayaasheeda iskana joojiso baahinta wararka beenta ah”

Warbixinta Indian Ocean Newsletter ay ka qortay in ciidamo Itoobiyaan iyo Eritrean ah ay beddelayaan Amisom, oo saaka ay soo dabaacday Caasimada Online iyo jawaabtii dowladda Soomaaliya, halkan ka aqriso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com