Bariire (Caasimada Online) – Ciidamo cadaan ah oo hubeysan, kana qayb-qaadanaya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa lagu arkay furimaha hore ee dagaalka, waxayna garab siinayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa kale ee howlgalka AUSSOM.
Sida ay muujinayaan sawirro lagu baahiyay baraha bulshada, kadib safar uu taliyaha ciidanka Dhulka ku tagay Shabeellaha hoose ayaa waxaa laga arki karaa muuqaalka ciidan hubeysan oo cadaan ah, waxaana lasoo muujiyay sawirrada 3 askari oo aan African ahayn.
Jeneraal Khaalid, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee safarka ku tegay Bariire ayaa kormeerayay deegaanka, waxaana goobaha uu gaaray ka mid ah buundada Bariire oo dib u dayactir macmal ah ay ku sameeyeen Geesiyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ilo dhanka amniga ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dhowr askari oo cadaan ah ay kala howlgaleen jiidda hore ee dagaalka, iyaga oo ka qayb qaatay dhowr howlgal oo la fuliyay.
Inta badan saraakiisha cadaanka ah ayaa halkaasi lagu geeyaa diyaarado milatari, kadibna waxa ay la howlgalaan ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka AUSSOM, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyadu.
Illaa iyo hadda ma jiro wax rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan waxa ay yihiin ciidamadan cadaanka ah ee lagu arkay furimaha hore, kuwaas oo si wayn loo hadal hayo.
Hanad Soomaali oo kamid ah dadka fal-celiyay ayaa yiri “Cid alaale ciddii nagu garab siinaysa dagaalka nimankaa xun xun waa soo dhawaynaynaa”.
Yaxye Cabdalle ayaa isna yiri “Haddii ay run tahay waaba arin wanagsan ee cadaanka hala soo badiyo”.
Si kastaba waxaa horay furimaha dagaalka loogu arkay ciidamo Turkish ah iyo saraakiishooda oo booqanaya jiidaha hore, iyada oo sidoo kale haatan la sugayo ciidamada Masar oo kusoo biiraya dagaalka, waxayna dhammaan tallaabooyinkan muujinayaan in uu sii xoogeysanayo dagaalka lagula jiro argagixisada oo ay kusoo biirayaan dhinacyo horleh.


