Ciidamo careysan oo gaaray magaalada Garowe + Sababta

Garowe (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Puntland oo careysan ayaa goor dhow gaaray magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa isaga soo baxay fariisimo ay ku lahaayeen aaga deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay gadood dartiis uga soo baxeen deegaankaasi oo ay in muddo ah iska hor fadhiyaan maamullada Somaliland iyo Puntland.

Qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidamadaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhowr bilood oo xiriir ah aysan helin wax mushaar ah.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa ku warramaya in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu haatan ku sugan yahay magaalada Garowe oo ay tageen ciidamadaasi.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay madaxda Puntland oo ku aadan arrimaha ciidamadaasi.

Puntland muddo fog ciidamadeeda waxa ay ka cabanayaan mushaar la’aan, waxaana marar badan gadood ay ka sameeyeen magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.

Arrintan ayaa xoogeedu waxa ay soo bilaabatay xilligii xukuumadda Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo haatan meesha ka baxday.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com