25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Ciidamo gadoodsan oo Cadaado ku xiray Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Galmudug

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online)-Ciidamoka tirsan dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa maanta is hortaag ku sameeyay Hogaamiye ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo safar shaqo usoo aadi lahaa magaalada Muqdisho.

Ciidamada is hortaaga ku sameeyay Hogaamiye ku-xigeenka ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia ee NISA.

Ciidamadaani oo ahaa kuwo aad u farabadan ayaa diidey in Hogaamiye ku-xigeenka uu Muqdisho soo aado, waxaana ay ka cabanayaan mushaar la’aan muddo haysatay.

Ciidamadaani ayaa xayiray dhammaan shaqooyinka Madaxtooyada Galmudug, waxa ayan sidoo kale hal meel isugu geeyeen ilaalada Hogaamiye ku-xigeenka oo xiligaa isku diyaarinaayay socdaal dhanka magaalada Muqdisho ah.

Ciidamadan ay la wareegeen Madaxtooyada Galmudug, iyadoo arrintaan aysan ka hadlin mas’uuliyiinta maamulka Galmudug.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Carabey ay ciidanku ku xareeyeen guri ku yaalla degmada Cadaado oo iyaga u gaar ah.

Maamul Goboleedyada dalka ayaan xuquuq siin ciidamada la shaqeeya ee har iyo habeen u taagan wax ka qabashada amni darida ka taagan deegaanada maamulada.

DFS ayaan wali ka hadal falka lagu xiray Hogaamiye ku-xigeenka waxa ayna talaabadaani imaaneysaa xili Hogaamiyaha maamulka uu ku mashquulsan yahay dadaalka uu uga qeybgali lahaa Shirka la filaayo in gudaha bishaani ka furmo magaalada London.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News