Xog:  Kheyre iyo Beyle oo isku qabtay xil ka qaadis lagu sameeyey shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa cadaadis ku hayo wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle si xilka looga qaado shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda, gaar ahaan kastamyada Canshuurta looga qaado Dakadda Muqdisho iyo Garoonka diyaaradaha Adan Adde.

Sida aan xog hoose ku helnay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay gadaal ka riixayaan Xildhibaan Mustaf Dhuxulow iyo Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer oo ka tirsan xildhibaanada aqalka sare ayaa qoraal xil ka qaadis ah u qoray Wasiirka Maaliyadda waxaana lagu amray inuu wasiirka saxiixo xil ka qaadis uusan markii hore isaga qorsheysan.

Wasiir Beyle ayaa lagu amray inuu saxiixo waraaq xilka looga qaadayo Cali Macalin oo ah agaasimaha kastamka Wasaaradda Maaliyadda ee Dakadda Muqdisho, haddii aan si kale u dhigno agaasimaha xafiiska Wasaaradda Maaliyadda ee Dakadda Muqdisho.

Waraaqdaan ayaa waxaa soo diyaariyey Ra’isulwasaaraha iyo Labada xildhibaan ee kor kusoo sheegnay, waxaana ilaa hadda diidan inuu waraaqdaas saxiixo Wasiirka Maaliyadda oo ay xafiiskiisa taalo muddo 2 berri ah.

Sidoo kale waxaa lasoo saxiixay waraaqo kale oo xilka looga qaadayo shaqaale gaarayo 10 oo ka tirsan Dakadda Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha Aadan Adde kuwaas oo dhammaantood hoos tago wasaaradda Maaliyadda.

Sida ay sheegeyso xog aan ka helnay Xafiisa wasaaradda Maaliyadda, wasiir Beyle ayaa ku andacoonayo in shaqada wasaaradda ay si fiican u socoto isla markaasna shaqsiyaadkaas aysan mudneyn in xilkooda laga qaado, balse Kheyre iyo  saaxiibadiis ayaa ku dadaalayo inay Beyle ka dhaadhacsiiyo inuu saxiixo waraaqaha xilka looga qaaday shaqaale badan oo wasaaradda u joogo Garoonka diyaaradaha iyo Dakadda Muqdisho.

Arrintaan ayaa kusoo aadey xilli Beesha Hawiye, gaar ahaan Habargidir ay dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay ugaarsi gaar ah ku heyso xilalka ay heyso Beesha Habargidir oo ay far muuqayaan Mustaf Dhuxulow iyo Xildhibaan Dhagdheer oo raadinayo inay qabsadaan xilalka ugu muhiimsan ee dowladda, gaar ahaan meelaha dhaqaalaha laga helo, waxayna geystaan shaqsiyaad iyaga dantooda ka shaqeenayo iyagoo arrintaas u marayo Ra’isulwasaare Kheyre oo ay aad ugu dhaw yihiin.

Mustaf Dhuxulow ayaa kaalin weyn ku lahaa shaqo joojintii lagu sameeyey agaasimihii guud ee Wasaaradda Warfaafinta Bahlaawi, markaas oo la sheegay inay isaga iyo Wasiirka Warfaafinta doonayaan inay xalaaleystaan 2 Malyan oo lagu qaadan rabo Mashruuc ay bixineyso IOM kaasoo la siin rabo Warbaahinta Dowladda.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET