25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

Sawirro: Khasaaraha ka dhashay qaraxii goordhow ka dhacay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxan xoogan ayaa goordhow waxuu ka dhacay Waddada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ka dhashay Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxuu ka dhacay ka soo horjeedka Shineemo Soomaali oo ay ku yaallaan goobo ganacsi.

Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa inta badan xiliyada galbihii ku shaaha dad aad u farabadan, iyadoo xiliga uu Qaraxa dhacaayay ay halkaasi ku sugnaayen Odayaal iyo dhalinyaro.

Maqaayadda Baar Italiano Coffee uu Qaraxa ka dhacay ayaa ku dhow dhismaha Xarunta Waaxda Socdaalka ama gurigii Shaqaalaha ee Wadada Maka Mukarama.

Dad Goob joogayaal ah ayaa soo sheegaya in ay arkayaan dad Gubanaya iyo meydadka dad rayid ah gaariga qarxay ayaa la sheegay in uu wadada maraayay.

Guud ahaan Gaarigii qarxay ayaa bas belay waxana lasoo sheegayaa in Khasaaraha dhimasho uu gaarayo ilaa Seddex, halka dhaawacana uu ku dhow yahay Sideed.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

- Advertisement -

Read more

Local News