Qarax xoogan oo lala eegtay maqaayad aad loo buuxay oo ku taal Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax Xooggan oo loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay Muqdisho daqiiqado ka hor kaasoo laga maqlay inta badan Magalaadda Muqdisho.

Qaraxaan ayaa lala eegtay Maqaayadda (Bar Italian) oo ku jidka Makka Al-Makarama gaar ahaan agagaarka Shaneemo Soomaali, halkaas oo lagu shaaho inta badan.

Maqaayadda oo aad loo buuxiyey ayaa mar qura laga maqlay qaraxaan, waxaana ka dhashay Khasaaro aad u xoog badan oo isugu jirto dhimasho iyo dhaawac.

Sida wararka hordhaca ah sheegayaan waxaa jiro dad badan oo meydkooda daadsan yihiin maqaayadda iyo Jidka Makka Al-Mukarama oo ah meel ay gawaarida si aad badan uu u isticmaasho.

Gawaarida gargaarka deg deg ah ayaa kusoo qulqulayo meesha uu qaraxa ka dhacay, waxaana laga yaabaa inuu khasaar badan dhaliyo maadaama meeshaas ay tahay meel aad loo buuxo inta badan.

Maqaayadda ayaa ilaa hadda gubaneyso, waxaana qiiqa laga daremayaa inta badan Muqdisho.

Faahfaahinta qaraxaan waan idinla socodsiin doonaa Inhaa Allah

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET