Ciidamo hubeysan oo la wareegay xarumaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Puntland

Qardho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Qardho gobalka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in maanta Ciidamo Gadoodsan oo ka tirsan Kuwa Puntland ay la wareegeyn xaruntii Wasaaradda Maaliyadda ee Qardho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa Birmadka ee Puntland ay qabsadayn Bankiga wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Qardho kuwaas oo ka cabanaya Mushaar la’aan bilooyinkii la soo dhaafay.

Arintaan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii ciidamada la wareegay xarumahaan ay ka gadoodeen arrimo ku saabsan Mushaar  la’aan muddo haysatay.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo guda galay xalka arrintaan ayaa Saraakiisha ciidamada hoggaaminaysay waxa ay u sheegeen qayb ka mid ah Mushaarka ciidanka in la siinaayo.

Laakiin Saraakiisha ciidamada hoggaaminaysay ayaa iska diiday qayb ka mid ah Mushaarka ciidamada inay qaataan, waxaana ay u sheegeen masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda inay doonayaan ciidamada mushaaraadkii ka maqnaa oo dhan in la wada siiyo.

Dhowr jeer ayey soo laabatay arrinta mushaarka Ciidamada Puntland iyada oo tiro dhowr jeer ah ay sidan oo kale ula wareegeen Xarumaha Maaliyadda sida Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Afayeen u hadalay Ciidamada qabsaday dhimsaha Bankiga ee magaalada Qardho ayaa sheegay in aysan wax mushaar ah helin bilooyinkii la soo dhaafay, hadana aysan ka bixi dooniin xarunta ay qabsadayn ilaa ay helaan xaquuqda ka maqan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com