Sawiro:Maxaabiistii laga soo daayay Dalka India oo maanta laga soo dejiyay Garoonka Muqdisho

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Waxaa Goordhow garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde e Magaalada Muqdisho ka soo degtay Diyaarad Sida Maxaabiis Soomaaliyeed oo laga keenay dalka Hindiya kadib markii laga soo daayay Xabsiyada dalkaas.

Maxaabiistan oo maanta laga soo dejiyay Goraanka Aadan Cadde ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa ilaa 76,kuwaasi oo laga soo daayay xabsiyada Dalka India oo ay ku jireen in muddo ah .

R/wasaare kuxigeenka Dalka ahna kusimaha R/wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadr) oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu kamid yahay Wasiirka Cadaaladda  ayaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey maxaabiistaasi Soomaaliyeed.

Maxaabiistan Soomaaliyeed ayaa markii ay ka soo degeen Garoonka waxaa ay muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin in ay yimaadaan dhulkooda Hooyo,iyagoo uga mahadceliyay Dowladda Soomaaliya dadaalka ay u gashey siideynta muwaadiniinteed oo ku xirxiran xabsiyada caalamka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed R/wasaare kuxigenka Dalka oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay yihiin maxaabiistan tiradii ugu dambeysay,wuxuu xusay in guud ahaan 120 ay ahaayeen,horey waxaa loo soo daayay 41 qof,3 kalena ay xabsiyada ku geeriyoodeen,76na maanta la keenay,sidaasina ay noqonayso in gebi ahaanba maxaabiista Soomaaliyeed ee kujira Xabsiyada Dalkaasi la soo daayay.

Dhawaan ayaa xabsiyada kuyaala dalka Liibiya waxaa laga soo daayay maxaabiis farabadan oo Soomaali ah,kuwaasi oo gacanta ugu jiray kooxaha looyaqaano Magafayaasha Dalkaasi, oo dhibaatooyin u geystay dadka Tahriibayaasha ah.

Dowladdad Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii guud ahaan loo soo dayn lahaa maxaabiista Soomaaliyeed oo siyaabo kaladuwan ugu kala xiran xabsiyo kuyaal wadamada Caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com