Ciidamo Itoobiyaan ah oo gudaha u galay Baydhabo

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Magaalada ay Gudaha u galeen Ciidan Itoobiyaan oo wadda gaadiidka dagaalka, kuwaasoo kasoo dhaqaaqay garoonka Magaalada Baydhabo.

Goobjoogayaal ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in ciidanka ay labo dhinac kasoo galeen Magaalada, xilli ay ka socdaan Banaanbaxyo looga horjeedo ciidanka Itoobiya oo shalay xarunta Madaxtooyadda kasoo qabtay Musharax Rooboow oo ka mid ahaa Musharaxiinta Koonfur Galbeed.

Boqolaal Shacab ah ayaa ku sugan gudaha Magaalada, kuwaasoo wadda Banaanbaxyo, waxaana sidoo kale Xaafaddo ka mid ah Magaalada ku sugan Ciidamo taageersan Musharax Roobow oo hadda ku xiran Muqdisho.

Ciidanka Booliska Baydhabo ayaa ku guuldareystay in ay joojiyaan Banaanbaxyadda , waxaana maanta Magaalada lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com