Ciidamo ka baxay Gaalkacyo iyo Garoowe oo ku biiray dagaalka Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeysa kasii daraya xiisadda dagaal dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya, taas oo u dhexeyso ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaaladaasi, waxaana labada dhinac ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in Somaliland iyo dadka deegaankaba ay helayaan gurmadyo gaaraya jiidda hore ee aagaga lagu dagaalamayo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamo dheeraad ah oo ka baxay magaalooyinka Gaakacyo iyo Garoowe ayaa xalay iyo saaka gaaray gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey halkaasi.

Ciidamadan oo u abaabulan hab heeleed, isla-markaana kasoo jeeda gobollada SSC ayaa ku biiray dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, kaaas oo maalmo badan qaatay.

Dhinaca kale Somaliland ayaa iyadina ciidamo dheeraad ah kusoo daabushay duleedka magaalada, halkaas oo ay ka wado guluf dagaal oo ka dhan ah ciidanka deegaanka.

Ujeedka milatariga Somaliland ayaa ah inay soo qaadaan dagaal rogaal celis ah, si ay markale dub ugu qabsadaan gacan ku heynta Laascaanood oo dhacda waqooyiga dalka.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa uga sii daraya xaaladda cakiran ee ka jirta xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa shalay markale ku dagaalamay magaaldaasn, kaas oo soo gaaray illaa xalay, taas oo sii adkeneysa xaaladda.

Dagaalka Laascaanood oo socda ku dhowaad bil xiriir ah ayaa sababay dhimashada dad ka badan 200 oo qof iyo dhaawac ka badan 600 oo qof, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.