WEERAR ku billowday is-miidaamin oo lagu qaaday xerada Janaay Cabdalle

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilowday qarax is-miidaamin ah oo ay saaka aroortii hore Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ay ciidamada sida gaarka ah u tababar ee Danab iyo kuwa maamulka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Janaay Cabdalle oo galbeedka ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay raggii weerarka qaaday iyo ciidamada ku sugnaa xerada la weeraray.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in Al-Shabaab ay cagta mariyeen saldhigga, kadib qaraxyo iyo dagaal culus oo ka dhacay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaare lixaadleh oo ka dhashay weerarkan, waxaana ku dhintay saraakiil iyo askar badan oo ku sugneyd saldhigga Janaay Cabdalle.

Saraakiisha weerarka ku dhintay waxaa kamid ah Carab Maxamuud oo kamid ahaa ilaalada madaxtooyada Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa halkaasi.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in weerarka oo gaadmo ahaa uu dhacay xilli aroor ah, isla-markaana ay jiifeen ciidamada deggan saldhiggaasi, taas oo fursad badan siisay xoogaga Shabaab ee weerarka la beegsaday xerada Janaay Cabdalle.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, sida uu shaaciyay afhayeenka dhinaca howlgallada ee kooxda, Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab.

Bayaan uu soo saaray Abuu Muscab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi lagu dilay illaa ’89 ka tirsanaa ciidamada dowladda, laguna gubay gaadiid dagaal oo gaaraya 20′.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weerarkaasi khasaaraha badan dhaliyay.

Muddooyinkii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada dheel-mashada ah, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyo ciidanka huwanta ee howlgallada ka wada dalka.