DENI oo sheegay sida kali ee Puntland uga qeyb galeyso dagaalka Laascaanood

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horeysay si faahfaahsan uga hadlay dagaalka mudada ku dhaw bisha ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Madaxweyne ayaa sheegay in Puntland aysan xilligaan qeyb ka aheyn dagaalka socda, hase yeeshe ay nus-danbeed u yihiin arrinta Laascaanood oo haddii Isimida SSC si rasmi ah uga codsadaan maamulkaasi uu qeyb ka noqon doono dagaalka ciidamada Somaliland kula jirto SSC.

“Waxaa rabaa in aan halkan ka cadeeyo in dagaalkaas ay Puntland qeyb ka aheyn, ma dooneyso colaad sokeeye iyo burbur umadeed in qeyb ka qaadato waa ka digayna, waxaase ku kalsoonahay in dadka reer Laascaanood iskaga filan yihiin in sharafkaado iyo cirdigooda ay difaacaan,” ayuu yiri.

“Waxaa u sheegayna caalamka iyo cid walba in aan nus-danbeed u nahay marka ay Isimida iyo Garaadada ay Puntland si rasmi ah uga codsadaan oo ay kari waayan waxaa farriin halkan uga daraya in aan diyaar u nahay laakiin waxaa ka hormarinayna nabada iyo dadaalada socda ee xabad joojinta.”

Saciid Deni ayaa waxa ka socda Laascaanood ku tilmaamay xasuuq aan loo meel dayin iyo gumaad shacab, ayna tahay in lagula xisaabtamo cidda masuulka ka ah waqtiga ugu dhow.

“Dagaalka magaalada Laascaanood oo runtii noociisa aan mudadaan la arag, waxaa filayaa horraantii shagaashameedyadii wax kaas lamid ayaa dhacay. Waxkasta oo la adeegsan karay waa la adeegsaday, hubka noocyadiisa kala duwan kuwa xataa muxaramka ka ah magaalooyinka waaweyn. Runtii waa arrin u baahan xisaabtankeeda oo waa cambaareynayna.”

Madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu sheegay in gobolka Sool uu qeyb ka yahay maamulka Puntland, islamarkaana ay kula shaqeynayaan go’aanka ay qaataan Isimida SSC.

“Gobolka Sool waxa uu caddeeyay in Somaliland ka baxdo kadibna masiirkeeda go’aan ka gaadho, waan aqbaleyna anagu maxaa yeelay marna ma rabno dadkeena in aan ku qasabno wax aysan raali ka ahayn anaga oo ogsoon in Dastuurkeena uu qorayo in Puntland ka tirsan yihiin ayaa haddana u ogol-nahay inay tashadaan aayahooda.”