Daawo: Maamulka gobolka Banaadir oo shaaciyay inuu qaadanayo ciidan cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta shaaciyay in uu qaadan doono ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar.

Ciidankan cusub ee uu qaadanayo gobolka ayaa waxay isugu jiraan Leyli Sarkaal, Saraakiil xigeeno iyo Dabley, sida uu sheegay Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere oo warbaahinta la wadaagay war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka gobolka.

“Maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar oo ka duuleysa dardar-gelinta iyo horumarinta shaqooyinka Dowladda Hoose, sare u qaadista tayaynta ciidanka ilaalada deegaanka, fursad siinta iyo shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa uu taliska ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar uu bulshada ogeysiinaya in la qaadanayo ciidan cusub,” ayuu yiri.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhalinyarada dooneysa in ay ka qeyb noqdaan ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar laga doonayo inay soo buuxiyaan shuruudo dhowr ah, kuwaasi oo kala ah;

  1. Da’diisu waa in ay u dhaxeysaa 20 illaa 25 jir.
  2. Waa in uu haystaa ugu yaraan shahaado dugsi sare ah.
  3. Waa in uusan lahayn wax balwad ah.
  4. Waa in uusan kamid ahayn ciidanka kale ama shaqaalaha dowladda.
  5. Waa in uu haystaa warqad caafimaad oo caddeynaysa inuu caafimaad qabo maskax ahaan iyo jir ahaan.
  6. Waa in uu la yimaada gal feyl oo ku dhan yihiin; Warqadda Caafimaad, Shahaadada waxbarashada, Warqadda dambi la’aanta iyo afar sawir.
  7. Waa in uu haystaa damiin iyo in uu ka bixi karo Imtixaanka laga qaadayo.

Afhayeenka gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegay in isdiiwaan-galinta iyo qabashada araajida ay bilaaban doonto maalinta Sabtida ah oo taariikhdu ku beegan tahay 11 March, ayna ku egtahay 20-ka isla bishaan.

“Waxaa lagu qori doona (diiwaan-gelinta) xarunta gaadiidka dowladda Hoose ee degmada Wadajir. Wixii xaquuq ah waxa uu kala mid noqon doona ciidamada dowladda,” ayuu yiri Afhayeenka gobolka Banaadir.

Ciidanka cusub ee uu qoranayo maamulka gobolka ayaa qaadan doona tababar, waana markii ugu horeysay tan iyo markii uu maamulka gobolka ee uu hoggaamiyo guddoomiye Madaale uu shaaciyo in Dowladda Hoose ee Xamar qaadaneyso ciidan cusub.

Hoos ka daawo muuqaalka