Madaxweyne Xasan oo shaaciyay qorshe fog oo la xiriira kheyraadka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay inay ka go’an tahay sidii usoo saari lahaayeen khayraadka dalkeena, kaasi oo uu sheegay in loo marayo wadiiqo u wada faa’iidaynaysa dadka iyo awoodda qaranka.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Madasha 5-aad ee QM ee dalalka soo koraya ee ka qabsoomtay magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay tahay dalka qani ku ah khayraadka, islamarkaana ay durba si firfircoon uga shaqeynayaan qorshayaashii ay Soomaaliya ku gaari laheyd barwaaqo.

“Ka Soomaaliya ahaan waxaa naga go’an sidii aan u soo saaran lahayn khayraadkeenna una gaari lahayn barwaaqo annagoo u marayna wadiiqo u wada faa’iidaynaysa dadkeenna iyo awoodda qarankeenna. Waxa aan durba si firfircoon uga shaqeyneynaa  barnaamijka dib u habaynta dhaqaalaheenna qaranka si aan u gaarno dayn cafinta, marka aan yoolkan gaarnana, waxa aan doonaynaa in aan ku tiirsanaanno cududdeenna si aan qaran ahaan ganacsi u samayno si aan barwaaqo u gaarno,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay mid ka mid ah xeebaha ugu dheer adduunka, dhul carrasan ah oo beerista ku habboon oo looga faa’iidaysan karo beeraha iyo xoolaha, iyo sidoo kale dhaqan xooggan oo ganacsi oo dadka Soomaaliyeed ganacsi alaab iyo adeegba ay isaga kala gooshaan gobolka iyo adduunka.

“Waxaa jirta fursad wayn oo si hal-abuurnimo leh oo waxbarasho iyo fursad abuuris lagu siin karo dadka oo dhan oo ay ku jiraan dhallinyarada, gabdhaha iyo haweenka haddii aan majaraha u qaban karno fursadaha uu leeyahay dalkeenna iyo tamarta hal-abuurnimo ee dadkeenna annagoo sii kordhinayna abaabulka khayraadka gudaha, maaraynta maaliyadda dadweynaha iyo dowlad wanaaggan.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in iskaashiga Soomaaliya yahay mid samaynaya horumar la taaban karo, taasi oo uu xusay in sabab u tahay dadkeeda firfircoon ee adkaysiga og iyo bah-wadaagta caalamiga ah, oo iyagu sii wada inay sii garab taagnaadaan xilli Soomaalida ay ku dadaalayso sidii ay ku gaari lahayn mustaqbal ka fiican kan maanta.

“Sababahan awgood, waxaan ku baaqayaa in la sii xoojiyo iskaashiyada wax ku oolka ah ee looga gol leeyahay in lagu gaaro natiijooyin wax ku ool ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyntiina waxa uu soo jeediyay in badbaadada bulsheed ee caalamka aysan noqon wax siin oo kali ah, balse ay noqoto fursado abuuris si loo gaaro is-sharfid, karaamo iyo isku filnaansho kuwaas oo sii dhisaya khayraadkii bulsheed ee horey u jiray iyo adkaysiga.