Kacdoonka Laascaanood ‘waa uu ka gundheer yahay’ sida la moodo (Warbixin)

Laascaanood (Caasimada Online) – Sida dad badan rumeysan yihiin ama warbaahinta ay faafisay kacdoonka Laascaanood inuu bilowdo sabab uma aysan ahayn dadka ilaa 120-ka lagu sheegay ee shirqoollada la soo mareegay lagu dilay.

Wuxuu ahaa kacdoon muddo dheer soo jiitamayay oo ay caburinayeen kooxda Muuse Biixi ee weligood daba socday fikirkii guumeystaha iyo kala qeybinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Waxaa la rumeysan yahay in dilalka iyo shirqoollada ujeeddada laga lahaa ay ahayd in dadka horaadka ah ee shacabka ku hoggaamin kara midnimmada ummadda la laayo ama ay dalka ka cararaan iyo in la cabsi geliyo shacab-weynaha si ay uga haraan fikirka midnimmada dalka.

Waa arrin muddo soo socotay oo heerar kala duwan soo martay, iyadoo aysan Muuse Biixi iyo kooxdiisa marna fileyn inay jiraan shacab ku soo dhiiran kara.

Wuxuu waagu ku beryay markii dhalinyaradii Laascaanood ay ka kacdoontay bishii December 26, 2022, markii la dilay nin dhalinyaro ahaa oo ku suntanaa inuu ka mid yahay dhallinta indhaha magaallada ah oo la oran jiray Cabdulfataax Cabdullaahi Cabdi kuna magac-dheeraa Hadraawi-Singub.

Kacdoonkaas oo ay hor kacayeen dhalinyarada Laascaanood oo ay ku jireen qaar aan wali qaan-gaarin ayaa wuxuu jebiyay gidaarkii caburinta, iyo cabsi-gelinta shacabka ahaa ee tiirka u ahaa siyaasadda maamulkii kooxda SNM-ta ee magaallada ka jiray.

Wali caburinta noocaan ah ma dhammaan, waxay ka jirtaa guud ahaan gobolka Awdal oo qaar ka mid ah odayaashii dhaqanka ka carareen caga-jugleynta maamulka SNM-ta, waxay kaloo ka jirtaa deegaannada dhaca bariga sida; Ceerigaabo, iyo Ceel Af-weyn.

Waxaa iyadana arrin xusid mudan ah in dadweynaha gobollada Woqooyi ay wax badan ka niyad jabeen siyaasadda iyo dhaqanka dowladda federal-ka Soomaaliya oo aan iyada waligeed arrinta u wajihin si dowladnimo.

Kacdoonkaas wuxuu bannaanka u soo saaray xaqiiqda wajiga waxa Somaliland loogu yeero ee uu maamulo Muuse Biixi Cabdi, waxaana isla markiiba shacabkii loogu jawaabay xabad ka dhaceysay noocyada kala duwan ee qoryaha, mana jirin ilaa muddo 5/6 casho ah haba yaraatee cid muujisay inay ka xuntahay arrinkaas.

Taasi macnaheeda waxaa weeye cabsida laga qabay guumeystaha la ogyahay ama la tuhunsan yahay inuu gadaal ka riixayo Muuse Biixi iyo siyaasadda ah in la kala gooyo dalka Soomaaliya.

Dagaalkii bilowday bishan February 6, 2023 ayaa wali socda, waxaa jira tuhumo in Muuse Biixi ay gacan siinayaan dalal shisheeye, waxaa kale oo shaki la’aan ah in dagaalka ilaallinta dhaxalka halgamayaashii Soomaaliyeed ee ka bilowday Laascaanood uu gaari doono Boorama, Ceerigaabo.

Hase yeeshee, dhibaatada u weyn waxay ka taagan tahay in wali uusan Muuse Biixi garowsan wax xanuun ahna aysan ku hayn dhalinyarada Soomaaliyeed ee waliba wiil iyo abtigii ah, wiil iyo seeddigii ah, dad wada koray oo wanaag mooyee wax xummaan aysan dhex oolin, oo xooggii dadka iyo dalka ah ay isku dhimanayaan iyada oo aysan jirin wax dan ah oo laga faa’iidayo marka laga reebo cadowga iyo inta nacabka u ah jiritaanka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.