Xog: Maxay ka billaabatay xiisadda ka dhex taagan booliska iyo maamulka Hotel Jazeera?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online khilaaf xoog leh ayaa ka dhex qarxay taliska booliska gobolka Banaadir iyo maamulka Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Khilaafkaan ayaa ka soo bilowday xarigga Weriye Cabdalla Muumin oo laga soo qabtay Hotel Jazeera, waxaana soo farogeliyey oo ka soo hadlay Xildhibaan Mustafa Dhuxulow.

Sida aan xogta ku helnay markii lasoo xiray Cabdalla Muumin, waxaa soo dacwooday maamulka Hotel Jazeera oo booliska ka dalbaday inay ixtiraamaan dadka degan ama jooga Hotelka.

Hase yeeshee Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa dalabkaas uga jawaabay in maamulka Hotelka looga baahan yahay inuu saxiixo oo ogolaado in qofkii la doono laga soo xiri karo Hotelka oo mar kasta ay gudaha u geli karaan hey’adaha ammaanka.

Dalabka booliska ayaa ku adkaaday maamulka Hotelka Jazeera, waxaana arrintaan ka soo hadlay Xildhibaan Mustafa Dhuxulow oo tallaabada booliska ku macneeyey gardarro sababi karta isku dhac iyo masuuliyad darro.

“Shaarka Dowladnimada ma ahan in lagu Handado Goob Ganacsi, Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa qaaday Tallaabooyin aan waafaqsaneyn Shacriga Eey maamulka Hotel Jazeera ku handadayaan una dirayaan ciidamo aan wadan sharci eey gudaha ku galaan,” ayuu yiri Xildhibaan Mustafa Dhuxulow.

Xildhibaanka ayaa sheegay in tallaabo walbo oo aan sharciga waafaqsaneyn ay keeni karto kalsooni darro iyo isku dhac, isagoo cadeeyey in masuuliyadda uu qaadi doono Taliska Booliska Gobolka Banaadir.

“Hotel Jazeera ma ahan goob ciidan waa bar-kulmisa bulshada qeybaheeda kala duwan, Waa hotel magac weyn ku leh Dalka, Waana sababta dhammaan dadka Soomaaliyeed eey kalsooni ugu qabaan macmiilna ugu yihiin,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Mustafa Dhuxulow.

Maanta magaalada Muqdisho waxaa lagu dhex arkay ciidan wata gaadiid dagaal oo beesha Murusade ay leedahay, kuwaas oo xirtay qeybo ka mid ah wadada muhiimka ah ee Maka Al-mukarama.

In kastoo la sheegay in ciidankaas ay ilaalo ka hayeen Hotel Dayax oo beesha uu shir uga socday, hadana waayahaan waxaa jirtay cabashooyin dhanka awood qeybsiga ah oo beesha Murusade ay ka tirsaneyso dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hotel Jazeera oo hadda xiisada ugu weyn ay ka taagan tahay waxaa iska leh ganacsade u dhashay beesha Murusade, wixii ka horeeyey 15-kii May 2022, intii aan la dooran Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ahaa fariisinka ugu weyn ee mucaaradka, waxaana siyaasiyiinta deganaa oo isku aaminay ka mid ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.