Daawo: Xildhibaan Jacfar oo aad u dhaliilay beeshiisa Murusade kana difaacay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka mid ahaa masuuliyiintii beesha Murusade ee maanta ku shiray magaalada Muqdisho ayaa beeshiisa ku canaantay tashi la’aan dhexdeeda ah iyo tayo xumo uu sheegay inay ka heysato dhanka la shaqeynta dowladda.

Xildhibaan Jacfar ayaa beeshiisa Murusade ku eedeeyey in dowladda aysan siin garabkii ay uga baahneyd, isagoo tusaale u soo qaatay doorka beesha ee dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in isaga iyo ciidankiisa ay isku dayeen inay metelaan Murusade oo dhulka beesha xoreyntiisa ay ku garabsiiya maageen dowladda, balse taasi aysan weli suurta gelin.

“Dowladdu dagaal ayey ku jirtaa, dhulka la xoreynayo qeyb ayaan ku leenahay, Murusade weli inta shirkaan oo kale isugu yimid ma dhihin sidee dib u xoreynta uga qeyb qaadanaa? Xildhibaano aan ku jiro ayaa wax yar oo door ah ku leh howsha ka socotay dhulka ay beeshu degto, waxa ugu fudud ee beeshaan ay dowladda tari karto waayo, lagama helin,” ayuu yiri Jacfar.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda ay caay ku bilaabeen xubno ka tirsan beesha, taas oo aan waxaba u soo kordhineyn sida uu sheegay, “Dowladdu hadii ay wax ku siineynso waa inay danteeda kaa dhex aragto,” ayuu yiri.

“Dad aan wax tar laheyn ayuu Alle qoorta noo geliyey, anaga ayey na eedayaan hadana, dowladda anaga ayaa noo dirsateen, markii aan wax soo weyno waan idiin soo sheegeynaa, laakiin yaan wax u sheegnaa horta? Dad Facebook ka caaytama, oo calool ka fekeraaya ayaan metelnaahe,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Jacfar.

Sidoo kale Xildhibaan Jacfar ayaa xubnihii beeshiiisa ee maanta uu la shiray wuxuu u cadeeyey in dowladdu aysan waxa siineyn cid aan wax tar u laheyn, “Dowladu xilal ama wax kasta oo ay bixiso sadaqo maaha, qof kasta oo maanta dowladda howl u haayana waa mid aan laga maarmin, hadii ay dowladdu kaa maaranto waxaba kugu fali meyso,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jacfar.

Ugu dambeyntii xildhibaanka ayaa beeshiisa Murusade ku dhaliilay in aysan tashan, “War beeshu wadatashiga ha badiso, hadda shirkaan xitaa lama wada imaan ‘Hashu ayadaa cunee iyadaana cabaadee ayaan maqli jira’ waxaa la rabaa in beeshu tashato, xaqa idinka la idinku leeyahay hadii aadnaa bixin mid aad leedihiin arki meysaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Jacfar.

Hoos ka daawo