SSC oo shaacisay go’aan lama filaan ah oo la xiriira dagaalka Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC ayaa markale ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.

Garaad Jaamac ayaa waxa uu sheegay in xilligaan ay suurta-gal aheyn in dagaalka Laascaanood xal lagala gaaro Somaliland, taasi oo u sababeeyay madaxweynaha xilka haya ee Muuse Biixi Cabdi.

“Muuse oo jooga nidaamka oo waxaan geystay, umaleyn maayo in la wada fadhiisan karo. Arrintan waxaa ka baqeyna in saameyn bulsho oo fog inay ka dhalato,” ayuu yiri Garaad Jaamac.

Garaad Jaamac ayaa ku eedeeyay Muuse Biixi in uu weerar isir-sifeyn kula kacay Laascaanood, illaa haddana uu ku madax adeygayo, taasi oo gebi ahaanba baalmarsan dhawaaqii kal hore kasoo baxay maamulkiisa, sida uu sheegay.

“Waxaa sameyn waddo ay ka baxaan ciidamada Somaliland, ma ahan in la xiri kari waayay oo hadda afarta dhinac ka istaagto wuu dagaalamaya khasaaruhuna waa badanaya. Madax adeygii odayga waxaad mooda in uu qaadan la’yahay, waxaa fareyna tolka (Garxajis) in ciidankaas dib loo qaado oo deegaan uu ku nabad gali karo haloo saaro, wadada sidaas ayaa u furmay ee iskama furna,” ayuu yiri.

Garaadka ayaa markale ka celiyay inay rabaan midnimada Soomaaliya, islamarkaana ay si adag uga soo horjeedaan gooni isu-taagga Somaliland, “Wax gooni la yiraahdo majiro, Soomaaliya kala go’aysaa majirto.”

Mowqifka SSC ee ku aadan wada-hadal ay la galaan madaxweyne Muuse Biixi ayaa sii dheereyn karta in waqti dhow xal laga gaaro xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood, xilli ay dowladda Itoobiya ay billowday dadaalo nabadeed.

Dowladda Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay waday waan-waan labada dhinac la iskugu dhaweynayay si ay xabad joojin uga dhaqan-gasho Laascaanood, waxaana durtaba muuqata in wada-hadalkii hordhaca ahaa ee la yeelatay Somaliland iyo SSC uusan waxba ka tarin xiisadda taagan, ayada oo saaka markale labada dhinac ay ku dagaalameen duleedka magaaladaasi.