Daawo: Beesha Mursade oo SHIRKA Muqdisho kasoo saartay go’aanno culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Fara-cadde oo ah Ugaaska guud ee Beesha Murusade oo hadal ka jeediyay shirka beesha uga furmay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay wadada loo marayo tabashada dowladda.

Ugaaska ayaa waxa uu sheegay in tabashada beesha ee dowladda ay u marayaan Xildhibaanada ku metela, taasi oo ka dhigan in beeshan ay qaadatay soo jeedintii madaxweynaha ee dhawaan uu kaga dhawaaqay Kismaayo.

“Xuquuqda aan leenahay Xildhibaanada loo daba jooga, cid kale oo wax la leenahay oo wax nooga darsan yihiin majirto. Iyaga ayaa laga raba xisaabtaas, haddii ay bogi waayeen ha nagu soo ceshaan arrinta noo dirteen hore iyo gadaal midna looma ogol qabiilka isagay u taalla sida uu ka yeelayo hana soo dhahaan ka bacdi ayaa ka tashaneyna,” ayuu yiri.

Ugaaska guud ee Beesha Murusade ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in beesha aysan duulaan ku aheyn beel kale oo Soomaaliyeed, ayna shirka u qabsadeen aaya ka tashigooda, islamarkaana ay xuquuqda iyo wixii kaga maqan DF ay u daba fadhiyaan Xildhibaanadooda, oo uu sheegay inay yihiin kuwa la xisaabtamaya dowladda

“Dadku waa qabiilo, waxba leenahay ee yaan isdaba ordin. Ninka hadla kaligiis ayuu iska hadlay, waxaan ogol nahay haddii uu gar yeesho in aan isaga la safanahay laakiin hadduu gardaran yahay aan gacanta qabano, haddii gar leeyihiin qoladana aan qabano oo ha la isku keeno.”

“Cid aan u socono iyo cid aan shirkaas u qabsanay majirto. Dadkaan meesha degan waxay ku degan yihiin qabiilka la yiraahdo Murusade, xaquuq ayaa ku leenahay, xurmad iyo sharaf ayaa ku leenahay magaalada Xamar. ”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Anaga dadka aan la degno iyo dadka deriska ah in aan dhowrno ayaa la iska raba, cid lagu gardaroon karo majirto. Nin s gaar ah idaacad taga oo ka hadla kaligiis ayaa iska hadlay wax shaqo ah oo aan ku leenahay majirto.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan waxa uu sheegay in tabasho kasta oo la qabo loo baahan yahay in lagu dhex xaliyo dowladda dhexdeeda, wuxuuna sheegay in cid kaste ay wakiil ku leedahay hay’adaha dowladda, ayna tahay inay isaga usoo marto tabashadeeda iyo wixii xuquuqdeeda ah.

“Tabashada beeluhu xal keeni mayso ama idaacad ka qeyliya ama dibadda dalka uga baxa. Waxa ugu dambeeya ee ay dhalayso waa inaan Shabaab ka mashquulno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo xilligaasi sheegay in tabashada beelaha ee kor loo sheegayo curyaamineyso howl-galada ka dhanka kooxda Al-Shabaab.