Ciidan beeleed xirtay waddo laga galo Villa Somalia iyo DF oo tallaabo qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ka furmay shir ay leedahay beesha Murusade (Karinle -Hawiye), kaasi oo loo xiray wadada Maka Al-Mukarama.

Gaadiidka dagaalka ee Tiknikada loo yaqaano oo beeshaani leedahay ayaa la dhigay agagaarka Hotelka Dayax oo ku yaalla inta u dhaxeysa Isgoysyada Sayidka ee laga ilaaliyoa Madaxtooyada iyo Dabka ee wadada Maka Al-Mukarama.

Agagaarka Hotelka shirka ka socdo ee Dayax ayaa waxaa laga celinayay gaadiidka, si loo sugo amniga shirka, taasi oo hadal hayn badan dhalisay.

Arrinta lama filaanka ku noqotaya shacabka reer Muqdisho iyo bulshada Soomaaliyeed ee sida weyn loo hadal hayay ayaa ah in ciidan u abaabulan hab beeleed ay xirtan wadada ugu mashquulka badan ee caasimada dalka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in taliska Booliska gobolka Banaadir uu markii dambe la wareegay ammaanka shirka beesha Murusade, kaasi oo looga tashanayay aayaha beesha.

Tallaabada taliska ayaa imaneysa kadib markii ay shacabka reer Muqdisho iyo bulshada Soomaaliyeed si weyn uga fal-celiyeen arrintaan, iyaga oo ku tilmaamay mid aan la aqbali karin in beel iska xirato, ayada oo dowladda joogto.

Beelo badan oo ka cabanaya hanaanka awood qeybsiga dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa toddobaadyadii dambe shirar ku yeeshay gudaha dalka iyo dibadda, balse waa markii ugu horeysay ee beeluhu iyada oo awood adeegsanaya xirtaan wadooyinka Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan duray shirarka ay beeluhu qabsanayaan ee lagu muujinayo tabashada dowladda uu hoggaamiyo, isaga oo sheegay in arrintaas fursad siinayso kooxda Al-Shabaab, oo howl-galo ka dhan ah ka socdaan dalka.